HomeWararCiidanka Dowladda oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Wanlaweyn iyo Deegaanno kale

Ciidanka Dowladda oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Wanlaweyn iyo Deegaanno kale

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wanlaweyn – April 12, 2025: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 64-aad ee ka tirsan Guutada 7-aad Qeybta 12-aad, oo ay garab siinayeen Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ayaa howlgal ballaaran oo qorsheysan ka fuliyay degmada Wanlaweyn iyo deegaanno hoos taga gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaannada Tabeellaha, Sharay, Warmaxan, Tixsiile […]

- Advertisement -

Wanlaweyn – April 12, 2025: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 64-aad ee ka tirsan Guutada 7-aad Qeybta 12-aad, oo ay garab siinayeen Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ayaa howlgal ballaaran oo qorsheysan ka fuliyay degmada Wanlaweyn iyo deegaanno hoos taga gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaannada Tabeellaha, Sharay, Warmaxan, Tixsiile iyo Waraaboole, kuwaas oo la rumeysan yahay inay Al-Shabaab u ahaayeen goobo gabbaad iyo xarumo qorsheynta weerarada ka dhanka ah shacabka iyo ciidamada dowladda.

- Advertisement -

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid si taxaddar leh loo agaasimay, laguna burburiyay saldhigyo ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan si dhab ah u beegsanay meelihii ay isku urursanayeen cadowga, waana sii wadi doonnaa howlgallada ilaa aan ka suulino khatarta ay kooxahan ku hayaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri sarkaal sare oo la hadlay warbaahinta.

Ilaa iyo hadda lama soo sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgalka, iyadoo ay jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya in khasaare lixaad leh la gaarsiiyay kooxda lagu bartilmaameedsaday howlgalka.

- Advertisement -

Ciidamada dowladda ayaa maalmihii u dambeeyay kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan gobollada Koofureed ee dalka, si loo adkeeyo ammaanka lagana hortago weerarada qorsheysan ee kooxdaasi fuliso.

 

Latest stories