HomeWararRW Xamse oo ku dhawaaqay in SSC Khaatumo tahay Maamul Goboleed Rasmi...

RW Xamse oo ku dhawaaqay in SSC Khaatumo tahay Maamul Goboleed Rasmi ah

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in SSC Khaatumo tahay Maamul Goboleed rasmi ah oo ka mid noqday Maamul Goboleedyada dalka, taasoo qeyb ka ah nidaamka federaalka ee Soomaaliya. Hadalkan ayuu Ra’iisul Wasaaruhu jeediyay xalay, isaga oo ka qeyb galayay munaasabad si weyn loo agaasimay oo […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in SSC Khaatumo tahay Maamul Goboleed rasmi ah oo ka mid noqday Maamul Goboleedyada dalka, taasoo qeyb ka ah nidaamka federaalka ee Soomaaliya.

Hadalkan ayuu Ra’iisul Wasaaruhu jeediyay xalay, isaga oo ka qeyb galayay munaasabad si weyn loo agaasimay oo ka dhacday magaalada Laascaanood, halkaas oo uu booqasho taariikhi ah ku joogo isaga iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo.

- Advertisement -

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxweynaha SSC Khaatumo iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka cusub. Ra’iisul Wasaare Xamse oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay madasha ayaa si cad u sheegay in SSC Khaatumo hadda tahay maamul rasmi ah oo hoos yimaada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan cod dheer ku sheegayaa in SSC Khaatumo tahay maamul ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, isagoo codkiisa si geesinimo leh u muujiyay.

Intaa kadib, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu si gaar ah u bogaadiyay dadaalka shacabka deegaanka, isagoo sheegay in ay tusaale u yihiin sidii loo ilaaliyo midnimada qaranka.

“Waxaa farxad iyo dareen kalgacayl ii sameeyay sida wadajirka ah ee aad u ilaaliseen midnimada iyo Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri, isagoo ku daray, “Waxaa nasiib wanaag ah in Calanka Buluugga ah uu ka taagan yahay qeybo badan oo kamid ah gobollada waqooyi.”

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa booqashadiisa Laascaanood ku tilmaamay mid taariikhi ah oo xambaarsan farriin midnimo iyo xasillooni ah. Wuxuu xusay in shacabka Soomaaliyeed ay maanta ka baahi badan yihiin sidii nabad waarta iyo midnimo dhab ah loo heli lahaa.

“Booqashadan taariikhiga ah ee aan ku imid Laascaanood waa mid ka turjumeysa adkaynta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

- Advertisement -

Dhacdadan ayaa imaneysa xilli deegaanka SSC Khaatumo uu muddooyinkii u dambeeyay ku jiray dadaallo lagu dhisayo maamul u gaar ah oo si buuxda u matala shacabka deegaanka. Qaramada Soomaaliyeed iyo bulshada rayidka ah ayaa si weyn u soo dhaweeyay tallaabadan, iyagoo ku tilmaamay guul u soo hoyatay midnimada dalka.

Latest stories