HomeWararRW Xamse oo Goordhaw ku wajahan Magaalada Laascaanood iyo ujeedka Safarkiisa

RW Xamse oo Goordhaw ku wajahan Magaalada Laascaanood iyo ujeedka Safarkiisa

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Waxaa lagu wadaa in wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ay goordhow ka ambabaxaan magaalada Muqdisho, iyagoo ku wajahan magaalada Laascaanood, oo ah xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo. Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee safarka ayaa si xowli ah uga socota gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaas […]

- Advertisement -

Waxaa lagu wadaa in wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ay goordhow ka ambabaxaan magaalada Muqdisho, iyagoo ku wajahan magaalada Laascaanood, oo ah xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee safarka ayaa si xowli ah uga socota gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaas oo ay wafdiga ka qaadi doonto diyaarad khaas ah. Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah mid muhiimad gaar ah leh, maadaama uu salka ku hayo xoojinta xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka SSC-Khaatumo, si loo xoojiyo wadashaqeynta labada dhinac.

- Advertisement -

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu inta uu ku sugan yahay Laascaanood la kulmi doono madaxda sare ee SSC-Khaatumo, masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo, saraakiisha amniga, odayaasha dhaqanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Kulamadan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro arrimaha amniga, dib-u-dhiska, horumarka deegaanka, iyo sidii loo dardargelin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa qorsheynaya inuu booqdo magaalooyin kale oo ka tirsan gobolka Sool, si uu ugu kuurgalo xaaladaha nololeed ee shacabka iyo baahiyaha taagan. Waxaa la filayaa in intii uu socdaalkiisa ku guda jiro uu dhagax-dhigo mashaariic horumarineed oo dowladdu waddo, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaale iyo adeegyada bulshada ee deegaanka.

Dhinaca kale, magaalada Laascaanood ayaa haatan laga dareemayaa diyaar garow xooggan oo lagu soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa. Madaxda maamulka SSC-Khaatumo, siyaasiyiin, waxgarad, iyo dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee magaalada, iyagoo muujinaya sida ay ugu faraxsan yihiin booqashada hoggaanka sare ee dowladda federaalka.

- Advertisement -

Safarkan ayaa loo arkaa mid taariikhi ah oo lagu xoojinayo wada shaqeynta dowladda federaalka iyo maamulka SSC-Khaatumo, waxana la filayaa in uu horseedo horumar muuqda oo ka hanaqaada gobolka. Wararka la xiriira safarkan iyo kulamada uu Ra’iisul Wasaaraha la qaadan doono mas’uuliyiinta deegaanka ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda soo baxaan.

 

 

Latest stories