HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo La Kulmay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo La Kulmay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan howlgallada cirka ee ciidamadu ay ka fuliyeen goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey saraakiisha Ciidamada Cirka dadaalkooda joogtada ah, gaar ahaan xoojinta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan howlgallada cirka ee ciidamadu ay ka fuliyeen goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu,

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey saraakiisha Ciidamada Cirka dadaalkooda joogtada ah, gaar ahaan xoojinta weerarada qorsheysan ee lagu beegsanayo AS, isagoo tilmaamay in duqeymaha cirka ee lala beegsaday xarumaha AS ay si weyn u wiiqday awooddooda iyo abaabulka dhagaraha ay u soo maleegaan shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Saraakiisha ciidamada cirka ayaa Madaxweynaha la wadaagay xaaladda guud ee Howlgallada iyo qorshayaasha muhiimka ah ee lagu xoojinayo Ciidamada Cirka Soomaaliya, waxa ayna soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay in ay dalkooda uga faa’iideeyaan tababarrada sare ee ay soo qaateen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay sii xoojin doonto dib-u-dhiska, qalabaynta, iyo tayeynta ciidanka Cirka si ay u gutaan waajibaadkooda, dadka Soomaaliyeedna uga dulqaadaan argagixisada.

Muddoo dheer kadib, waa markii ugu horeysay ee ay ciidanka cirka Soomaaliyeed hagayaan isla markaasna fulinayaan weerarro ka dhan ah AS.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts