HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Magacaabay Lataliyaha Sare ee Arrimaha Difaaca

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Magacaabay Lataliyaha Sare ee Arrimaha Difaaca

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Marwo Jihaan Cabdullaahi Xasan in ay noqoto La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Difaaca ee Madaxweynaha. Marwo Jihaan ayaa horey u soo noqotay La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Amniga iyo Dib-u-habaynta Ciidamada ee Xafiiska Madaxweynaha tan iyo Agoosto 2023, iyadoo door muhiim ah ka qaadatay kala guurka […]

- Advertisement -
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Marwo Jihaan Cabdullaahi Xasan in ay noqoto La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Difaaca ee Madaxweynaha.
Marwo Jihaan ayaa horey u soo noqotay La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Amniga iyo Dib-u-habaynta Ciidamada ee Xafiiska Madaxweynaha tan iyo Agoosto 2023, iyadoo door muhiim ah ka qaadatay kala guurka Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika (ATMIS) iyo hirgelinta Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Muddo 13 sano ah ayay si toos ah uga shaqeyneysay arrimaha difaaca, iyadoo door muuqda ku lahayd diyaarinta iyo horumarinta qorshaha amniga qaranka ee lasoo bandhigay sannadkii 2023. Sidoo kale, waxay kaalin ka qaadatay dib-u-habaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed intii u dhaxeysay 2017 ilaa 2020.
Sidoo kale, Lataliye Jihaan Cabdullaahi Xasan waxay soo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee loo magacaabo Agaasime Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Sannadkii 2019-kii, taas oo muujineysa doorkeeda hoggaamineed iyo khibraddeeda sare ee dhanka difaaca iyo amniga qaranka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Lataliyaha cusub ee Arrimaha Difaaca in ay ka shaqeyso dib-u-habaynta iyo horumarinta hay’adaha difaaca dalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts