HomeWarar7 Qof oo loo haystp Tahriibin iyo ka Ganacsiga dadka oo Maxkamadda...

7 Qof oo loo haystp Tahriibin iyo ka Ganacsiga dadka oo Maxkamadda Gobalka Banaadir lasoo taagay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwad ciqaab ah oo loo heysto toddoba qof oo xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu kusoo eedeeyay in ay galeen dambiyo la xariira tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka nool oo qaarkood badda lagu waayey. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa eedeysanayaasha ka soo qabtay goobo kala duwan, kadib markii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwad ciqaab ah oo loo heysto toddoba qof oo xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu kusoo eedeeyay in ay galeen dambiyo la xariira tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka nool oo qaarkood badda lagu waayey.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa eedeysanayaasha ka soo qabtay goobo kala duwan, kadib markii Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu helay xogta shabakadda maanta lagu bilaabay maxkamadeynta.

- Advertisement -

Raggaan ayaa si gaar ah ugu eedeysan in ay ku lug leeyihiin tahriibinta dhallinyaradii dhammaadkii sannadkii hore ku geeriyootay badweynta Hindiya, kuwaasi oo gaarayay 28 qof, kadib markii magafayaashii loo gacan galiyay ay badweynta kaga tageen doontii la saaray.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalkooda Hooyo dib ugu soo celisay dhallinyaradii ka badbaaday dhacdadaas, intaas kadibna waxaa bilowday howlgal lagu soo qabqabtay ragga maanta la maxkamadeynayo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts