HomeWararMaxkamadda Gobolka Banaadir oo u Yeertay Hantidhowraha Guud ee Qaranka

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo u Yeertay Hantidhowraha Guud ee Qaranka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Muqdisho  Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa warqad rasmi ah u dirtay Hantidhowraha Guud ee Qaranka, Axmed Ciise Guutaale, kaas oo lagu eedeeyay falal culus oo la xiriira ku tagrifalka awoodda iyo is hortaagga howlaha garsoorka. Warqadda kasoo baxday maxkamadda ayaa si cad u xustay in Guutaale uu faragelin ku sameeyay madax-bannaanida garsoorka, taasoo keentay in xafiiska […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Muqdisho  Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa warqad rasmi ah u dirtay Hantidhowraha Guud ee Qaranka, Axmed Ciise Guutaale, kaas oo lagu eedeeyay falal culus oo la xiriira ku tagrifalka awoodda iyo is hortaagga howlaha garsoorka.

Warqadda kasoo baxday maxkamadda ayaa si cad u xustay in Guutaale uu faragelin ku sameeyay madax-bannaanida garsoorka, taasoo keentay in xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka uu si rasmi ah ugu soo jeediyo eedeymo culus oo ka dhan ah mas’uulkan.

- Advertisement -

Sida ku cad qoraalka maxkamadda, eedaha loo haysto Axmed Ciise Guutaale ayaa isugu jira:

Faragelin toos ah oo ka dhan ah garsoorka dalka – Waxaa lagu eedeeyay inuu si cad ugu xadgudbay madaxbannaanida garsoorka, isagoo faragelin ku sameeyay go’aanno maxkamaddu gaartay.

Is horistaagga kharashaadka maxkamadda – Waxa uu la sheegay inuu hakiyay ama hor istaagay dhaqaalihii loogu talagalay in lagu socodsiiyo howlaha maxkamadaha iyo diiwaangelinta heshiisyada ay maxkamaduhu galeen.

- Advertisement -

Diidmada go’aannada maxkamadda ee la xiriira dhulka – Waxa uu ka hor yimid go’aamo ay maxkamaddu ka soo saartay muranada la xiriira lahaanshaha dhulka.

Dhammaan eedeymahan ayaa sababay in maxkamaddu amar rasmi ah ku bixiso in Guutaale uu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo xaadiro Maxkamadda Gobolka Banaadir, si uu uga jawaabo eedaha loo heysto.

Eedeymaha loo jeediyay Hantidhowraha Guud ee Qaranka ayaa ah kuwa xasaasi ah, maadaama uu yahay mas’uul sare oo ka tirsan dowladda. Arrintan ayaa sidoo kale muujinaysa khilaaf xoogan oo ka dhex jira hay’adaha dowladda, gaar ahaan laamaha garsoorka iyo kuwa la dagaallama musuqmaasuqa.

Illaa iyo hadda, Hantidhowraha Guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale kama uusan hadlin eedeymaha loo soo jeediyay, balse waxaa la filayaa inuu ka hor muuqdo maxkamadda maalmaha soo socda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts