HomeWararMadaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku dhawaaqi doona canshuur kordhin 25% ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku dhawaaqi doona canshuur kordhin 25% ah

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Axaddii shalay sheegay, in Isniinta maanta ah uu ku dhawaaqi doono canshuur kordhin gaareysa 25%, taas oo uu dul saari doono biraha iyo jaandiga loo soo dhoofiyo Mareykanka. Trump oo saxafiyiinta kula hadlayay diyaaradda ay raacaan madaxweynayaasha Mareykanka ee Air Force One, ayaa sidoo kale sheegay in uu ku dhawaaqi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Axaddii shalay sheegay, in Isniinta maanta ah uu ku dhawaaqi doono canshuur kordhin gaareysa 25%, taas oo uu dul saari doono biraha iyo jaandiga loo soo dhoofiyo Mareykanka.

Trump oo saxafiyiinta kula hadlayay diyaaradda ay raacaan madaxweynayaasha Mareykanka ee Air Force One, ayaa sidoo kale sheegay in uu ku dhawaaqi doono canshuuraha isdhaafsiga ah Talaadada ama Arbacada, si ay u dhaqan galaan ku dhawaad isla markiiba.

- Advertisement -

Trump, ayaa muddo xileedkiisii koowaad sidaan oo kale boqolkiiba 25 oo canshuur ah saaray biraha halka 10% u uku kordhiyay tacriifta jaandiga ama aluuminiyamta, hase yeeshee marki danbe ka khafiifiyay biraha iyo aluminiyamta ay soo dhoofiyaan Canada, Mexico iyo Brazil.

Trump ayaa Jimcihi ku dhawaaqay in uu sare u qaadi doono canshuurta is dhaafsiga, taas oo kor u qaadi doonto xaddiga tacriifta Mareykanka si ay ula simmaan dhinacyada ay ganacsatada Mareykanka wax is weydaartaan. Todobaadkan ayaa la filayaa in taasi ay billaabato.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts