HomeWararDowladda Soomaaliya oo Aroos Dhigaysa Lammaane Katirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya oo Aroos Dhigaysa Lammaane Katirsanaa Al-Shabaab

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku guurinaysa lammaane mid ka mid ah ay  dhawaan kasoo muuqatay maxkamadda ciidamada qalabka sida, kaddib markii lagu helay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab. Lammaanahan, oo kala ah Abshir Aadan Maxamed iyo Xafso Maxamed Macallin, ayaa dhaliyay hadal-hayn badan, iyaga oo noqday sheeko xiiso badan oo baraha bulshada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku guurinaysa lammaane mid ka mid ah ay  dhawaan kasoo muuqatay maxkamadda ciidamada qalabka sida, kaddib markii lagu helay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab.

Lammaanahan, oo kala ah Abshir Aadan Maxamed iyo Xafso Maxamed Macallin, ayaa dhaliyay hadal-hayn badan, iyaga oo noqday sheeko xiiso badan oo baraha bulshada qabsatay. Abshir, oo hore uga tirsanaa Al-Shabaab, ayaa isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya, xilli ay gacanta kusoo dhigtay Xafso, oo la sheegay inay safar u ahayd deegaannada kooxdaasi maamusho si ay halkaas ugu guursato ninka ay jeceshahay.

- Advertisement -

Sida ay ilo-wareedyo dowladeed sheegayaan, saacadaha soo socda ayaa lammaanaha loo dhigi doonaa aroos ay si rasmi ah u garwadeynayso dowladda. Go’aankan ayaa loo arkaa mid qeyb ka ah dadaallada lagu dhiirrigelinayo xubnaha Al-Shabaab ee doonaya inay ka tanaasulaan fikirka xagjirka ah oo ay dowladda isku soo dhiibaan.

Abshir Aadan Maxamed ayaa marar hore  sheegay in jacaylka uu u qabo Xafso uu sababay inuu go’aansado ka bixitaanka kooxda, si uu uga badbaadiyo gabadha dambiga lagu heysto.

Sheekadooda oo si aad ah ugu faaftay baraha bulshada ayaa dhalisay dood xoogan, iyadoo dad badani siyaabo kale duwan kaga hadleen.

- Advertisement -

Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu baaqday dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab inay isa soo dhiibaan, iyadoo ballanqaaday cafis iyo nolol ka duwan tan ay hadda ku jiraan.

Tallaabadan lagu guurinayo lammaanahan ayaa loo arkaa mid lagu muujinayo in dowladda ay isku dayeyso inay hesho habab cusub oo lagula tacaalo fikirka xagjirka ah, iyada oo adeegsanaysa awoodda jacaylka iyo cafiska si dhalinyarada loogu soo jiido nabadda.

Waxaa la filayaa in xafladda arooska ay ka qaybgalaan saraakiil ka tirsan dowladda, culimaa’udiin, iyo odayaal dhaqameed.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts