HomeWararFallaagada M23 oo ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah

Fallaagada M23 oo ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Fallaagada ay Rwanda taageerto ee dhawaan qabsatay magaalada muhiimka ah ee Gomo ee bariga Congo, ayaa shalay ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah sababo bani’aadannimo dartood.

Hadalka kasoo yeeray M23 ayaa yimid kaddib baaqyo is daba joog ahaa oo dalbanayay in la furo waddo nabad ah oo dadka barakacay lagu gaarsiiyo gargaar bani’aadannimo.

- Advertisement -

Fallaagada M23 waxay sheegtay in xababad joojinta ay billaabaneyso maanta oo Talaada ah. Ku dhawaaqista ayaa sidoo kale ku soo beegantay saacado yar kaddib marki ay Qaramada Midoobay shaacisay in dagaalki todobaadki hore ee Goma lagu dilay ugu yaraan 900 oo qof.

Dagaalkaas ayaa u dhaxeeyay jabhadda M23 iyo ciidamada dowladda Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo. M23 ayaa la sheegay in ay ku sii siqeyso magaalada Bukavu ee caasimadda gobol kale oo ku yaalla Bariga Congo.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Congo oo ku aaddan xabbad joojinta halka dhinac ah ee ay ku dhawaaqday M23.

Latest stories