HomeWararWafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray dalka Turkiga

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray dalka Turkiga

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Wafdi ka socday Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu soo gaaray dalka Turkiga, halkaas oo ay kulamo muhiim ah la qaateen masuuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga. Wafdigan waxaa hogaaminayey Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), waxaana booqashadaasi ay martiqaad rasmi ah ka heshay dhiggiisa dalka Turkiga, Ali Yerlikaya. Booqashada wasiirka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wafdi ka socday Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu soo gaaray dalka Turkiga, halkaas oo ay kulamo muhiim ah la qaateen masuuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga.

Wafdigan waxaa hogaaminayey Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), waxaana booqashadaasi ay martiqaad rasmi ah ka heshay dhiggiisa dalka Turkiga, Ali Yerlikaya.

- Advertisement -

Booqashada wasiirka iyo wafdigiisa ayaa socon doonta muddo laba maalin ah, waxaana looga golleeyahay xoojinta iskaashiga amni ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada tababarada iyo wada shaqeynta.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadan doona madaxda sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha ee Turkiga si loo xoojiyo xiriirka labada dal ee dhinaca amniga.

Sidoo kale, dowladda Turkiga ayaa filanaysa in booqashadan ay sare u qaaddo kaalmada amniga ee ay Soomaaliya ka helayso, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadli doonaan qorshayaal cusub oo lagu taageerayo amniga gudaha Soomaaliya iyo horumarinta awooda hay’adaha amniga ee dalka.

- Advertisement -

Waxaa la rajeynayaa in booqashadan ay horseedo fursado cusub oo iskaashi amni oo labada dal u faa’iido, iyadoo Soomaaliya ay ka faa’iideysaneyso tababarada iyo taageerada Turkiga ee dhanka amniga.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts