HomeWararDFS iyo Mareykanka oo Puntland ka fuliyay Howlgal lagu dilay Xubno sare...

DFS iyo Mareykanka oo Puntland ka fuliyay Howlgal lagu dilay Xubno sare oo katirsan Daacish

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dileen xubno sare oo ka tirsan Daacish kadib hawlgal si wadajir ah ay isaga kaashadeen Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka. Warsaxaafadeed ay Xalay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalku uu si gaar ah uga dhacay buuraleyda gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxaana beegsaday xubno […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dileen xubno sare oo ka tirsan Daacish kadib hawlgal si wadajir ah ay isaga kaashadeen Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka.

Warsaxaafadeed ay Xalay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalku uu si gaar ah uga dhacay buuraleyda gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxaana beegsaday xubno muhiim ah oo ka tirsan Daacish (ISIS) iyo dagaalyahanno ka tirsan kooxdaas.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bogaadiyay hawlgalka, isagoo tilmaamay in “Hawlgalkan lagu beegsaday hoggaanka sare ee ISIS waxa uu muujinayaa iskaashiga adag ee Mareykanka iyo Soomaaliya ee la dagaalanka argagixisada.” Madaxweynaha ayaa sidoo kale si qoto dheer ugu mahadceliyay dowladda Mareykanka, isagoo ku adkeeyay in iskaashigaasi uu muujinayo go’aan cad oo labada dal ka go’an tahay.

Qoraalka kasoo baxay dowladda Federaalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalku uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu wiiqayo awoodda hoggaanka iyo awoodda hawlgal ee ISIS, taasoo si toos ah u dhaawacaysa kartidooda fulinta falalka ay gaystaan Daacish ee khatar ku ah amniga Soomaaliya iyo gobolka.

Beegsiga xubno muhiim ah oo ka tirsan kooxda Daacish ayaa sidoo kale muujinaya sida ay labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka uga go’an yihiin dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada.

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay dadaallada adag ee Mareykanka ee ka caawinaya la dagaallanka AS iyo Daacish, waxayna adkaynaysaa in ay sii wadi doonaan wada shaqeyn joogto ah oo ay la leeyihiin saaxiibadooda caalamiga ah, si looga hortago halista kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab iyo Daacish.

Mareykanka ayaa inta badan dowladda Soomaaliya ka caawiya howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish iyo Al-Shabaab, isagoo muhiim u ah dadaallada amniga ee gobolka.

Iskaashigan ayaa ah mid muhiim u ah xasilloonida gobolka, waxaana laga rajeynayaa in uu sii xoojiyo dadaallada lagu doonayo in lagu ciribtirayo kooxaha Daacish iyo AS ee ku sugan Soomaaliya iyo guud ahaan Bariga Afrika.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts