HomeWararGuddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo Shir Jaraa’id Ku Shaacin Doona Habraaca...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo Shir Jaraa’id Ku Shaacin Doona Habraaca Doorashooyinka

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa goordhow la filayaa inay qabtaan shir jaraa’id, kaas oo ay ku shaacin doonaan habraaca iyo nidaamka doorashooyinka dalka. Shirkan ayaa lagu wadaa in uu ka dhacdo xarunta guddiga, waxaana warbaahinta loo yeeray si ay u soo tabiyaan ku dhawaaqista qorshayaasha doorashooyinka ee dhawaan dalka ka dhici doona. Guddiga […]

- Advertisement -

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa goordhow la filayaa inay qabtaan shir jaraa’id, kaas oo ay ku shaacin doonaan habraaca iyo nidaamka doorashooyinka dalka.

Shirkan ayaa lagu wadaa in uu ka dhacdo xarunta guddiga, waxaana warbaahinta loo yeeray si ay u soo tabiyaan ku dhawaaqista qorshayaasha doorashooyinka ee dhawaan dalka ka dhici doona.

- Advertisement -

Guddiga ayaa si gaar ah ugu dhawaaqi doona qaabka ay u qorsheeyeen in doorashooyinka dalka lagu qabto iyo sida ay uga go’an tahay in doorashooyin hufan oo daahfuran loo sameeyo. Waxaa si weyn loo sugayaa dardargalinta iyo hirgelinta doorashooyinka, iyadoo la rajeynayo inay dhacaan si cadaalad ah oo dhammaan dadka Soomaaliyeed ay fursad u helaan inay codkooda dhiibtaan.

Shirkan jaraa’id ayaa noqon doona mid muhiim ah, waxaana lagu soo bandhigi doonaa faahfaahinta habraaca doorashooyinka iyo xilliga ay bilaaban doonaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan magacaabay guddigan, isagoo horey uga sheegay inuu ka go’an yahay in dalka ka dhaco doorasho qof iyo cod ah.

- Advertisement -

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa lagu wadaa inay ka qayb qaataan sidii dalka loogu diyaarin lahaa doorashooyin madax-bannaan oo dhameystiran.

Latest stories