HomeWararCiidamada Puntland oo Laba Jibbaaray Howlgalada Ka Dhanka ah Daacish iyo Ajaanib...

Ciidamada Puntland oo Laba Jibbaaray Howlgalada Ka Dhanka ah Daacish iyo Ajaanib Dagaalamayaal ah oo La diley

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa maalmahan dambe si weyn u laba jibbaaray howlgalada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka wada gobolka Bari. Maalmihii la soo dhaafay, ciidanka ammaanka Puntland ayaa si degdeg ah ugu guuleystay inay gaaraan deegaano hor leh iyo fariisimo cusub oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Daacish, kuwaas oo ahaa bar-tilmaameedyo muhiim ah. […]

- Advertisement -

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa maalmahan dambe si weyn u laba jibbaaray howlgalada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka wada gobolka Bari. Maalmihii la soo dhaafay, ciidanka ammaanka Puntland ayaa si degdeg ah ugu guuleystay inay gaaraan deegaano hor leh iyo fariisimo cusub oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Daacish, kuwaas oo ahaa bar-tilmaameedyo muhiim ah.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa maanta hawlgalkii qorshaysnaa ku fuliyay buuraha CALMIS, halkaas oo ay kaga dileen dagaalamayaal ajaanib ah oo ka tirsan kooxda Daacish.

- Advertisement -

Qoraal kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ee Puntland ayaa xaqiijiyay in ciidanka ay dileen “Ajaanib Daacish ka tirsan.”

Puntland ayaa shaacisay in faahfaahin dheeraad ah laga soo gudbin doono warbixinta hawlgalkan, iyadoo la rajeynayo inay soo bandhigi doonaan xog dheeri ah oo ku saabsan khasaaraha iyo guulaha la gaadhay.

Sidoo kale, saraakiisha ciidanka Puntland ayaa caddeeyay in howlgalada ka dhanka ah Daacish ay sii socon doonaan, iyagoo ballan qaaday in dagaalka lagula jiro kooxdan argagixisada ah uu sii xoogeysan doono, isla markaana la tijaabin doono awooda iyo kartida ciidamada Puntland si looga takhaluso joogitaanka Daacish ee gobolka.

- Advertisement -

Horay Puntland ayaa u sheegtay inay bilaabi doonto howlgallo culus oo lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ee Daacish, waxaana ciidanka Puntland ay ku jiraan dadaallo xooggan oo lagu sugayo amniga gobolka Bari iyo guud ahaan dalka.

 

Latest stories