HomeWararJubbaland oo mar kale eed Culus u jeedisay Dowladda Federaalka

Jubbaland oo mar kale eed Culus u jeedisay Dowladda Federaalka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa mar kale ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu isku dayayo in uu kala furfuro Ciidamada maamulkaasi, isagoo ku eedeeyay in uu sameynayo tallaabooyin keeni kara in ay amniga gobolka Gedo halis gasho. Jubbaland ayaa sheegtay in dowladda Federaalka, oo uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, ay ku mashquulsan tahay in […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa mar kale ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu isku dayayo in uu kala furfuro Ciidamada maamulkaasi, isagoo ku eedeeyay in uu sameynayo tallaabooyin keeni kara in ay amniga gobolka Gedo halis gasho.

Jubbaland ayaa sheegtay in dowladda Federaalka, oo uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, ay ku mashquulsan tahay in ay abuurto qalalaaso amni oo ka dhex dhaca deegaanada Gobolka Gedo, taas oo ay ku tilmaameen inay qayb ka tahay qorshe siyaasadeed oo xasaasi ah, sida ay warka u dhigtay Jubbaland.

- Advertisement -

Jubbaland waxaa intaas ay ku daerat inuu jiro qorshe la xiriira ciidamo loo qorsheeyey in ay sugaan amniga, balse ay dowlaaddu u isticmaali doonaan dano siyaasadeed oo gaar ah.

Khilaafka siyaasadeed ee ka dhexeeya dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, ayaa si aad ah u kordhay, iyadoo labada dhinac ay si xoogan u kala aragti duwan yihiin.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa hore u cadaysay inaysan aqoonsaneyn is-doorashada Axmed Madoobe, taas oo qeyb ka ah muranka siyaasadeed ee ka taagan maamulka Jubbaland.

- Advertisement -

Dhanka kale, ciidamo fara badan oo ka tirsan dowladda ayaa loo diray deegaanka Raaskaambooni, halkaas oo ay ka dhaceen dagaallo xasaradaysan. Si kastaba ha ahaatee, ciidamada dowladda ayaa lagu soo waramayaa in ay ka cagajiideen dagaalkaasi, iyagoo galay guuldarrooyin ay ka soo gaareen ciidanka Jubbaland.

Khilaafka u dhexeeya labada dhinac ayaa si muuqata u sii xoogaysanaya, iyagoo kala qaatay aragtiyo siyaasadeed oo ku saabsan maamulka iyo amniga gobolka.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts