HomeWararMareykanka oo ka hadlay Heshiiska ay gaareen Itoobiya iyo Soomaaliya

Mareykanka oo ka hadlay Heshiiska ay gaareen Itoobiya iyo Soomaaliya

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Mareykanka ayaa Khamiistii sheegay inuu soo dhaweynayo heshiiska ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku gaareen in lagu soo afjaro xiisadda gobolka ee ka dhalatay isku dayga ay Addis Ababa ku dooneyso inay marin u hesho badda. Labada dal ayaa khilaaf uu ka dhaxeeyey tan iyo markii dalka Itoobiya ee aan badda lahayn uu bishii Janaayo heshiis […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Mareykanka ayaa Khamiistii sheegay inuu soo dhaweynayo heshiiska ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku gaareen in lagu soo afjaro xiisadda gobolka ee ka dhalatay isku dayga ay Addis Ababa ku dooneyso inay marin u hesho badda.

Labada dal ayaa khilaaf uu ka dhaxeeyey tan iyo markii dalka Itoobiya ee aan badda lahayn uu bishii Janaayo heshiis la galay maamulka Somaliland ee sheega in uu ka go’ay Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa in dhul xeebeed laga kireeyo Addis-Ababa oo ay ka sameysato deked iyo saldhig ciidan.

- Advertisement -

Hase yeeshee Arbacadii, Turkiga, oo dhexdhexaadiye ka ahaa wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa ku dhawaaqay in labada dhinac ay gaareen heshiis xaqiijinaya “marin la isku halleyn karo, ammaan ah oo waara oo ay Itoobiya u hesho badda,” kaasi oo “hoos imanaya maamulka madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

“Maraykanku waxa uu soo dhawaynayaa Baaqii 11-kii December ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka ee Itoobiya ee lagu xaqiijinayo qarannimada, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dal kasta,” ayuu yiri diblomaasiga ugu sarreeya Maraykanka Antony Blinken.

Blinken waxa uu intaas ku daray in Washington ay sugeyso “wada xaajoodka farsamada” ee qeexaya marinka badda ee Itoobiya “iyada oo la ixtiraamayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.”

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts