HomeWararGuddoomiyaha Baarlamaanka SSC Khaatumo oo Muqdisho soo gaaray iyo ujeedka Safarkiisa

Guddoomiyaha Baarlamaanka SSC Khaatumo oo Muqdisho soo gaaray iyo ujeedka Safarkiisa

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Masuuliyiin ka socota Maamulka Kumeelgaarka ee SSC-Khaatumo ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, iyadoo safarka Guddoomiyaha Baarlamaanka SSC-Khaatumo Jaamac Yaasiin uu yahay mid shaqo.

Guddoomiye Jaamac Yaasiin waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, halkaas oo uu ku jiray kulanka masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.

- Advertisement -

Socdaalka Guddoomiyaha ayaa ah mid lagu xoojinayo xiriirka iyo wada shaqeynta Maamulka Kumeelgaarka ee SSC-Khaatumo iyo dowladda federaalka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Cabdullahi Xirsi Timacadde, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee XFS Cabdullahi Bidhaan Warsame, iyo xubno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sidoo kale ka mid ahaa masuuliyiinta ka soo qeyb galay soo dhaweynta Guddoomiyaha Baarlamaanka SSC-Khaatumo.

Waxaa la filayaa in Guddoomiyaha Baarlamaanka SSC-Khaatumo uu kulamo la qaato mas’uuliyiinta dowladda iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ee Muqdisho, si loo adkeeyo xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.

Latest stories