HomeWararJubaland oo beenisay eedayntii kaga timid Dowladda Federaalka ee taageerada Itoobiya

Jubaland oo beenisay eedayntii kaga timid Dowladda Federaalka ee taageerada Itoobiya

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa si xooggan uga jawaabay eedeynta Dowladda Federaalka ee ku aaddan in diyaarado hub ah ay ka dageen Kismaayo. Wasiirka Amniga ee Jubaland, Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal, ayaa beeniyay eedeyntaasi, isagoo sheegay inaysan jirin hub aad u farabadan oo Itoobiya ay ka dejisay Kismaayo. Wasiir Yuusuf Xuseen Dhuumaal ayaa sidoo kale […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa si xooggan uga jawaabay eedeynta Dowladda Federaalka ee ku aaddan in diyaarado hub ah ay ka dageen Kismaayo. Wasiirka Amniga ee Jubaland, Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal, ayaa beeniyay eedeyntaasi, isagoo sheegay inaysan jirin hub aad u farabadan oo Itoobiya ay ka dejisay Kismaayo.

Wasiir Yuusuf Xuseen Dhuumaal ayaa sidoo kale si cad u diiday in ciidamo Itoobiyaan ah oo dalka soo galay ay taageero ka helayaan Jubaland, isagoo tilmaamay in ciidamo Itoobiyaan ah oo ilaa 8 goobo oo ku yaal Gobolka Gedo ka degan yihiin, isla markaana ay awood u leeyihiin inay u safraan meel kasta oo ay doonaan.

- Advertisement -

Jubaland ayaa sidoo kale beenisay wararka sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Jubaland ee ku sugan magaalada Beledxaawo ay ku biireen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda ayaana shalay soo bandhigtay 300 oo askari oo ka tirsan Jubaland ay si nabad ah ugu biireen ciidamada dowladda, taasoo muujineysa in xiriirka labada dhinac uu yahay mid isbedelaya.

Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa shalay ku eedaysay Itoobiya in ay si sharci darro ah ugu faragashay gudaha dalka, iyadoo hub iyo ciidan ku soo gelisay degaanada Jubbaland.

- Advertisement -

Eedeyntani ayaa sababtay in xiisadda u dhexeysa Jubaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gaarto heerkii ugu sarreeyay. Waxaa sidoo kale la soo sheegay in Itoobiya ay hoos u taageero ka siineyso Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, kaasoo dhawaan booqday Addis Ababa si uu taageero dheeraad ah uga raadsado.

Xiisaddan ayaa xaaladda siyaasadeed ee Jubaland iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ka dhigtay mid aad u kacsan, iyadoo labada dhinac ay is-muujinayaan awoodooda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts