HomeWararAxmed Madoobe iyo Musharixiintiisa maqaar saarka ah oo goordhaw hadli doona

Axmed Madoobe iyo Musharixiintiisa maqaar saarka ah oo goordhaw hadli doona

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Goordhow, waxaa hoolka doorashada ee Kismaayo ka bilaaban doona hadal-jeedinta afarta musharax ee u taagan xilka madaxweynaha Jubaland. Musharixiintaas waxaa ka mid ah Madaxweynaha hadda xilka haya, Axmed Madobe, oo si weyn loo sugayo khudbadiisa. Hadal-jeedintan musharixiinta ayaa ka dhici doonta hoolka doorashada, waxaana goobta ku sugan dhammaan xubnaha Golaha Wakiilada ee Jubaland, kuwaas oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Goordhow, waxaa hoolka doorashada ee Kismaayo ka bilaaban doona hadal-jeedinta afarta musharax ee u taagan xilka madaxweynaha Jubaland. Musharixiintaas waxaa ka mid ah Madaxweynaha hadda xilka haya, Axmed Madobe, oo si weyn loo sugayo khudbadiisa.

Hadal-jeedintan musharixiinta ayaa ka dhici doonta hoolka doorashada, waxaana goobta ku sugan dhammaan xubnaha Golaha Wakiilada ee Jubaland, kuwaas oo matalaya shacabka gobolka. Intaas waxaa dheer, xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee ka socda Jubaland, wasiiro ka tirsan maamulka Jubaland, iyo wakiillo ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ayaa goobta ka qeyb galaya. Hoolka doorashada waxaa sidoo kale joogaya marti sharaf iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo dadka muhiimka ah ee gobolka.

- Advertisement -

Madaxweyne Axmed Madobe ayaa daqiiqado ka hor soo galay hoolka doorashada, waxaana su’aalaha ugu badan ee dadku isweydiinayaan waxa uu ka jeedin doono hadal jeedintiisa. Waxaa la filayaa in khudbadiisu ay diiradda saari doonto ajendayaashiisa siyaasadeed iyo qorsheyaasha uu ku riyoonayo inuu ku hirgeliyo maamulka Jubaland hadii uu mar kale ku guuleysto madaxweynenimada. Waxaa kaloo uu ka hadli doonaa xaaladaha siyaasadeed ee gobolka iyo sida uu u arko mustaqbalka Jubaland.

Doorashada madaxweynaha ee Jubaland ayaa noqotay mid xasaasi ah, waxaana Kismaayo ka socota doorasho is barbar yaac ah oo xiisad xooggan ka dhex abuuraysa musharixiinta iyo taageerayaashooda. Shalay, Kismaayo waxaa ka dhacay doorasho kale oo lagu doortay Senator Ilyaas Gaboose, taas oo sii xoojisay khilaafaadka ka dhex jira siyaasadda Jubaland. Xaaladda siyaasadeed ee gobolka ayaa hadda aad u kacsan, waxaana doorashada madaxweynaha ay noqotay mid muran badan ka dhalisay.

Si kasta ha ahaatee, hadda waxaa dhacaysa hadal jeedinta musharrixinta, waxaana dadka ka qeyb galaya doorashada si weyn u sugayaan waxa Madaxweyne Axmed Madobe uu ka hadlayo, maadaama uu yahay musharaxa ugu weyn ee doorashada. Tani waxay sidoo kale saameyn ku yeelan doontaa sida loo arko mustaqbalka siyaasadeed ee Jubaland iyo heerka ay gaari doonto xasilloonida gudaha ee maamulka gobolka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts