HomeWararBooliska Soomaaliya oo baaraya Askari shalay lagu dilay Magaalada Kismaayo

Booliska Soomaaliya oo baaraya Askari shalay lagu dilay Magaalada Kismaayo

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ay si adag u baari doonaan falkii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo, kaas oo ay sheegeen in uu ku dhintay Sarkal katirsan ciidanka. Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa si cad u cambaareeyay falkii foosha xumaa ee shalay dhacay, isagoo sheegay in baaritaan dheeraad ah lagu sameyn doono dhacdadaas. Qoraal kasoo […]

- Advertisement -

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ay si adag u baari doonaan falkii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo, kaas oo ay sheegeen in uu ku dhintay Sarkal katirsan ciidanka. Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa si cad u cambaareeyay falkii foosha xumaa ee shalay dhacay, isagoo sheegay in baaritaan dheeraad ah lagu sameyn doono dhacdadaas.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska ayaa lagu sheegay: “Taliska waxa uu wada baaritaan dheeraad ah oo ku saabsan sida ay u dhacday shaqaqadaas, taas oo sarkaalkaas ku nafwaayay. Waxaa lala tiigsan doonaa cid kasta oo ku lug yeelata dhacdadan, waxaana laga qaadi doonaa talaabo adag.” Booliska ayaa sidoo kale xusay in aysan ogolaan doonin in qof kastaa uu si sharcidarro ah ugu lug yeesho dhacdooyinka noocan oo kale ah, isla markaana tallaabooyinka sharciga waafaqsan la qaadi doono.

- Advertisement -

Shalay, magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidanka Jubbaland iyo ciidan kale oo uu watay Senator Ilyaas Gaboose, oo dhowaan lagu doortay magaaladaas. Dagaalka ayaa sababay khasaaro, waxaana si gaar ah looga naxay dhimashada sarkaalka ka tirsan ciidanka, iyadoo xaaladda magaalada ay noqotay mid aad u kacsan.

Xaaladda siyaasadeed ee Kismaayo ayaa sidoo kale muran xooggan ka dhex abuuray, iyadoo doorashooyin is barbar yaac ah ay ka socdaan magaalada. Waxaa lagu wadaa in berrito, maalinta xigta, ay dhici doonto doorasho kale oo muhiim ah, taas oo la filayo in Madaxweyne Axmed Madobe uu isku caleema saaro, kadib markii uu si weyn u tartamay kursiga madaxweynaha ee Jubaland.

HOOS KA AKHRISO WARQADA KASOO BAXDAY BOOLISKA

- Advertisement -

 

 

 

Latest stories