HomeWararAbdi Nageeye oo Taariikh ka sameeyay Tartanka Orodada dhaadheer ee Ragga

Abdi Nageeye oo Taariikh ka sameeyay Tartanka Orodada dhaadheer ee Ragga

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Cabdi Nageeye oo ah Asal Soomaali u orda dalka Holland ama Netherlands ayaa ku guulaystay tartanka Marathonka Ragga ee Newyorka Marathon 2024, kaasi oo sanadkaan lahaa Xiisa gaar ah. Nageeye ayaa loolan adag kala kulmay Evans Chebet oo Kenyaan ah, balse ilbiriqsiyadii ugu dambeeyay ayuu isticmaalay Awooddiisii ugu badnayd 35 jirkaan Asal Soomaaliga ah, waxaana […]

- Advertisement -

Cabdi Nageeye oo ah Asal Soomaali u orda dalka Holland ama Netherlands ayaa ku guulaystay tartanka Marathonka Ragga ee Newyorka Marathon 2024, kaasi oo sanadkaan lahaa Xiisa gaar ah.

Nageeye ayaa loolan adag kala kulmay Evans Chebet oo Kenyaan ah, balse ilbiriqsiyadii ugu dambeeyay ayuu isticmaalay Awooddiisii ugu badnayd 35 jirkaan Asal Soomaaliga ah, waxaana uu ku dhammeeyay tartanka 2:07:39.

- Advertisement -

Sanadkaan Newyorka Marathon ayaa waxaa isku wajahay Orod yahanno waa weyn oo magac ku leh orodada dheer, Chebet oo isna 35 jir ah, kuna guuleystay tartankan 2022-kii, ayaa lix ilbiriqsi ka dambeeyay Nageeye. Albert Korir oo Kenyaan ah ayaa galay kaalinta saddexaad, halka Tamirat Tola oo Itoobiyaan ah, ahaana difaacaha horyaalka, uu ku dhammeystay kaalinta afraad kaddib, waxaama Tola uu  dhawaan kusoo guuleystay orodka marathon-ka ragga ee Olimbikada Paris oo dhawaan lasoo gabagabeeyay.

Nageeye ayaa diyaargarow adag u galay Cayaarihii Olombikada ee Paris, Tababar heerkiisu sarreeyo ayuu ku sameeyay Itoobiya,  nasiib darrose dhaawac ayuu kaga baxay, kadib markii ay soo gaartay jug dhinaca sinta ah. Si waliba Nageeye isma dhiibin shalay galab ayuuna hantay Maarathonka Ragga ee Newyork,

“Waa mid ka mid ah niyad-jabka ugu weyn ee aan abid la kulmay” ayuu yiri Nageeye isagoo ka hadlaya guuldarradii kasoo gaaraty Olimbikada.

- Advertisement -

Si deg deg ah ayuu u sameeyay soo kabasho, isagoo sameeyay tababarkii ugu adkaa ee u diyaargarowga Orodka Xiga.  “Markaas ayaan tababar ku soo laabtay, anigoo naftayda ku dhahay, ‘Mar dambe kuma soo celin kartid. Way dhammaatay, Paris waa soo dhamaatay, Hal wax oo kaliya ayaad sameyn kartaa, Muddo ka yar laba bilood, waxaad sameyn kartaa wax weyn oo ah inaad ka qeyb gasho marathon-ka ugu weyn adduunka, marka xoogga saar taas.’” Ayuu sheegay in naftiisa uu kula hadlay kadib Guuldarradii Paris.

 

 

Latest stories