HomeWararMW Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xaafadda casriga ah ee Xeebta...

MW Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xaafadda casriga ah ee Xeebta Luulka

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xaafadda casriga ah ee Xeebta Luulka, taasi oo ay magaalada Muqdisho ka hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in hirgalinta mashruucani uu tusaale u yahay soo kabashada dalka, isla markaana uu weji cusub u yeelayo dowladnimada Soomaaliyeed, isaga oo faray […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xaafadda casriga ah ee Xeebta Luulka, taasi oo ay magaalada Muqdisho ka hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in hirgalinta mashruucani uu tusaale u yahay soo kabashada dalka, isla markaana uu weji cusub u yeelayo dowladnimada Soomaaliyeed, isaga oo faray dhammaan hay’adaha dowladda in ay ku garab istaagaan ganacsatada Soomaaliyeed sidii uu u guuleysan lahaa mashruucani.

- Advertisement -

“Dhismaha xaafaddan waa billowga Soomaaliyada cusub ee dib u qaabaysa dowladnimadeeda, isla markaana la tartamaysa adduunyada. Ganacsatada Soomaaliyeed ha aaminaan dalkooda, hana garab istaagaan dowladda iyaga oo bixinaya canshuuraha ku waajibay, si  aan uga soo kabano dhibaatooyinkii na gaaray.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u mahadceliyay ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidooda ku aaminay dalka, kuwaasi oo ka qayb qaadanaya maalgashiga mashaariicda waxtarka badan u leh bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna ku booriyay in ay xoogga saaraan garab istaagga dowladnimada Soomaaliyeed, si loo gaaro isku filnaansho qaran.

Latest stories