HomeCaalamkaMaxay isu casishay Madaxweynihii Itoobiya, Sahle-Work Zewde?

Maxay isu casishay Madaxweynihii Itoobiya, Sahle-Work Zewde?

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Dalsan Media   – Madaxweynihii ugu horreeyay ee haweeney ah ee dalka Itoobiya, Sahle-Work Zewde, ayaa iscasishay kadib khilaaf dhexmaray Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed. Sahle-Work, oo sumcad ballaaran ku heshay markii uu Abiy magacaabay 2018-kii, taas oo loo arkay tallaabo loo qaaday sinnaanta jinsiga ee siyaasadda Itoobiya, ayaa la sheegay in ay ka niyad jabtay hoggaanka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dalsan Media   – Madaxweynihii ugu horreeyay ee haweeney ah ee dalka Itoobiya, Sahle-Work Zewde, ayaa iscasishay kadib khilaaf dhexmaray Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Sahle-Work, oo sumcad ballaaran ku heshay markii uu Abiy magacaabay 2018-kii, taas oo loo arkay tallaabo loo qaaday sinnaanta jinsiga ee siyaasadda Itoobiya, ayaa la sheegay in ay ka niyad jabtay hoggaanka dalkeeda oo waddo qardo-jeex uu ku wado Raysal Wasaaraha Oromada ah.

- Advertisement -

Iscasilaaddeeda ayaa ku soo beegantay iyadoo baarlamaanka Itoobiya uu meelmariyay in Taye Astike Selassie, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, uu noqdo qofka bedeli lahaa , isagoo qaban doona xilkaasi aan awoodda lahayn.

Selassie, oo 68 jir ah, ayaa Isniintii xilka loo dhaariyey, waxaana loo arkaa in uu yahay saaxiib dhow ee ra’iisul wasaaraha, kaasoo haysta awoodda ugu weyn ee siyaasadda Itoobiya.

Madaxweynenimada Sahle-Work, inkastoo ay ahayd mid taariikhi ah, hadana waxaa sanadihii dambe hareeyey xiisad kala dhexeysay Abiy. Waxay si gaar ah uga aamustay arrimaha qaran ee muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin tacaddiyada ka dhanka ah dumarka intii lagu jiray colaadda labo sano socotay ee gobolka Tigray.

- Advertisement -

Sabtidii hore, qoraal ay soo dhigtay barteeda bulshada ee X, waxay ku muujisay niyad-jabka ay qabto iyadoo sheegtay in ay sanado badan aamusnayd.

Ilo ku dhow Sahle-Work, oo 74 jir ah, ayaa sheegay in aysan muddo dheer ku qanacsanayn shaqada isla markaana ay rajeynaysay in la gaaro dhammaadka muddo-xileedkeeda oo ku ekaa dabayaaqada bishaan October.

Inkasta oo ay muddadii ay xilka haysay baaqyo nabadeed jeedisay, haddana dadka dhaliilsan ayaa ku dooday in aysan in ku filan ka hadlin rabshadaha ka socda dalka, gaar ahaan gobollada Oromada iyo Amxaarada, halkaas oo ciidamada federaalka ay dagaallo culus kula jiraan maleeshiyaadka maxalliga ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts