HomeCaalamkaDadka ku nool Khan Younis oo mar kale la dul dhigay amar...

Dadka ku nool Khan Younis oo mar kale la dul dhigay amar culus.

Date:

Related stories

Midowga Afrika oo ku baaqay hal cod oo adduunka ah

Libreville, 20 May 2026 – Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU),...

Somali Human Rights Body Secures UN Peacebuilding Support

The Chairperson of the Somali National Human Rights Commission,...

 Israa’iil oo soo dhaweysay safaaradda Somaliland ee Jerusalem

Tel Aviv, 20 May 2026 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

Maryan Qaasim oo UN kula wadaagtay xuquuqda aadanaha

Maryan Qaasim oo UN kula wadatay xuquuqda aadanaha Muqdisho, Arbaco,...

Xamsa oo soo dhaweeyay safiirka cusub ee Jabuuti

Xamsa oo soo dhaweeyay safiirka cusub ee Jabuuti Muqdisho, 20...

Israa’iil ayaa xalay sii balaarisay amar ay Axaddii soo saartay oo ay ku fartay dadka ku nool magaalada Khan Younis ee koonfurta Marinka Qaza, in ay xaafadahooda isaga baxaan.Amarkaasi ayaa ku qasbay tobnaan kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan qoysas in ay xalay saqdi dhexe ay mugdiga ku dhex barakacaan, xilli ay hareerahooda ka dhacayeen madaafiicda taangiyada.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay weerar ku qaadayaan maleeshiyaad ka tirsan Xamaas oo ay ku sheegtay in ay ku dhuumaaleysanayaan Khan Younus.

Amarka cusub ee daadgureynta dadka ku nool koofyrta Gaza ayaa yimid, maalin kaddib marki ay duqeyn ay ciidamada Isra’il ku beegsadeen xarun iskuul oo ay ku noolaayeen qoysas barakac ah lagu dilay ku dhawaad 100 qof, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee Gaza.

Magaalada Khan Younis ee ku taal koonfurta marinka Gaza, tilmaamaha Isra’il ee amraya in dadka ay halkaasi isaga baxaan ayaa dhigeysa, in laga baxo dhammaan degmooyinka, bartamaha, bari iyo galbeedka Khan Younis, taasoo ka dhigeysa mid ka mid ah amaradii ugu weynaa ee Khan Younis dadka looga barakiciyo tan iyo marki uu billowday dagaalka Gaza muddo hadda laga joogo 10 bilood.Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in inta badan shacabka Gaza oo ka kooban 2.3 milyan ay ka barakaceen guryahooda, halka inta badan guryahoodii dhulka lala simay.

Saraakiisha Falastiiniyiinta iyo Qaramada Midoobay ayaa sheegay in aysan jirin goobo ammaan ah oo ku taalla Marinka Gaza. Deegaano horay loogu asteeyay in ay yihiin aag ka caaggan madaafiicda Isra’il, sida Al-Mawasi oo ku taalla galbeedka Khan Younis ayay ciidamada Isra’il dhowr jeer madaafiic ku garaaceen, halkaas oo lagu dilay dad badan oo rayid ahaa.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories