HomeCaalamkaBaarlamaanka Kenya oo xilkii ka xayuubiyay madaxweyne ku xigeenkii dalkaasi

Baarlamaanka Kenya oo xilkii ka xayuubiyay madaxweyne ku xigeenkii dalkaasi

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

NAIROBI, Kenya (Dalsan Media) — Xildhibaanada Kenya ayaa ansixiyay mooshin xilka looga qaadayo madaxweyne ku xigeenka dalkaasi, kadib dood dheer oo maalintii talaadada oo dhan socotay iyadoo uu Rigathi Gachagua uu kasoo hormuuqday baarlamaanka si uu isaga difaaco eedaha loo haysto, oo ay ka mid yihiin inuu taageeray bannaanbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda ee dhacay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

NAIROBI, Kenya (Dalsan Media) — Xildhibaanada Kenya ayaa ansixiyay mooshin xilka looga qaadayo madaxweyne ku xigeenka dalkaasi, kadib dood dheer oo maalintii talaadada oo dhan socotay iyadoo uu Rigathi Gachagua uu kasoo hormuuqday baarlamaanka si uu isaga difaaco eedaha loo haysto, oo ay ka mid yihiin inuu taageeray bannaanbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda ee dhacay bishii Juun ee sannadkan.

Mooshinka waxaa lagu ansixiyay cod aqlabiyad ah oo ahaa 281 mudane oo u codeeyay halka ay diideen 44 xildhibaan, hal mudane ayaa ka aamusay taas oo aad uga badan cadadka codadka uu dastuurku farayo oo ah 117 cod. Mooshinka hadda wuxuu u gudbayaa aqalka sare ee baarlamaanka, halkaas oo dood laga geli doono ka dibna la qaadi doono codeyn kale.

- Advertisement -

Si xil ka qaadista loo soo gabagabeeyo, waxay u baahan doontaa ayidaadda laba meelood saddex (2/3) ee xubnaha aqalka sare. Ma cadda goorta la qaban doono cod bixintaas.

Sida uu qabo dastuurka Kenya, xil ka qaadista waa mid rasmi ah haddii labada aqalba ansixiyaan, in kastoo Gachagua uu maxkamad ka dacwoon karo — taas oo uu sheegay inuu samayn doono.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa sidoo kale lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo ku lug lahaansho falal kale oo sharci darro ah. Wuxuuna beeniyay dhammaan eedaha loo jeediyay.

- Advertisement -

Doodda ku saabsan mustaqbalkiisa waxay bannaanka uga baxday aqalka baarlamaanka — dad taageersan iyo kuwo mucaaradsan mooshinka – ayaa iskula dhacay todobaadkii hore fagaarayaasha, kadib markii isbahaysiga talada haya uu baarlamaanka horgeeyay mooshinka.

Khudbadiisii, Gachagua wuxuu ku sheegay inuu “ku jiro geeddi-socod siyaasadeed” wuxuuna ka codsaday xildhibaanada inay go’aankooda gaaraan “iyagoon la cabsi gelin ama la qasbin.” Isniintii, madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay inuu rumaysan yahay in mooshinku uu gadaal ka riixayo madaxweynaha William Ruto, isagoona ka dalbaday in uu cafis u fidiyo.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in laga yaabo in xilkan uu qabto siyaasiyaga Soomaaliga ah ee Aadan Barre Ducaale. Haddii ay taasi dhacdana waxa ay ka dhigaysaa in markii ugu horreysay uu mas’uul Soomaali ah gaaro darajadaasi.

Wararka xiisaddan siyaasadeed ku saabsan halkan ayaad kala socon doontaan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts