HomeCaalamkaDuuliye Turkish ah oo geeriyooday isagoo duullimaad ku jira 

Duuliye Turkish ah oo geeriyooday isagoo duullimaad ku jira 

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

New York, USA, (Dalsan Media) – Duuliye diyaaradda Turkish Airlines ayaa geeriyooday kadib markii uu cudur ku soo booday inta uu ku gudajiray duullimaadkiisa, taasoo qasabtay in diyaaradda Turkiga ay ku degto xaalad degdeg ah magaalada New York, sida ay sheegtay shirkadda diyaaradaha. Diyaaradda ayaa ka kacday magaalada Seattle ee xeebta galbeed ee Mareykanka fiidnimadii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

New York, USA, (Dalsan Media) – Duuliye diyaaradda Turkish Airlines ayaa geeriyooday kadib markii uu cudur ku soo booday inta uu ku gudajiray duullimaadkiisa, taasoo qasabtay in diyaaradda Turkiga ay ku degto xaalad degdeg ah magaalada New York, sida ay sheegtay shirkadda diyaaradaha.

Diyaaradda ayaa ka kacday magaalada Seattle ee xeebta galbeed ee Mareykanka fiidnimadii Talaadada, sida uu afhayeenka shirkadda, Yahya Ustun, ku daabacay barta X, oo hore loogu yaqaanay Twitter.

- Advertisement -

“Duuliyaha diyaaradda Airbus 350… ee duulimaadkeedu ahaa TK204 ee ka soo dhooftay Seattle kuna socotay Istanbul ayaa cudur ku soo booday inta uu duulayay,” ayuu ku yiri.

“Kadib markii la isku dayay in la siiyo gargaarka degdegga ah oo aan guuleysan, shaqaalaha diyaaradda oo uu kamid yahay duuliye kale iyo kaaliyihiisa ayaa go’aansaday in diyaaradda loo dejiyo xaalad deg-deg ah ahaan, hase yeeshee wuxuu geeriyooday kahor inta aan la degin.” Ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenku.

Duuliyahan oo 59 jir ahaa, kana shaqeynayay shirkadda Turkish Airlines tan iyo 2007, ayaa maray baaritaan caafimaad bishii Maarso, kaasoo aan muujin wax dhibaatooyin caafimaad ah, sida laga soo xigtay afhayeen Yahya Ustun.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts