HomeWararKulankii Baarlamaanka oo maanta arrin layaab leh darteed u baaqday

Kulankii Baarlamaanka oo maanta arrin layaab leh darteed u baaqday

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Kulankii maanta ee ay lahaayeen Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa baaqday sababo la xiriira kooram la’aan, iyadoo tiro badan oo ka mid ah xildhibaannada aysan soo xaadirin fadhiga. Kulankan ayaa ahaa mid muhiim ah, waxaana ajendaha ku jiray dhowr qodob oo la filayay in laga doodo, kuwaas oo qeyb ka ahaa shaqooyinka Baarlamaanka. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kulankii maanta ee ay lahaayeen Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa baaqday sababo la xiriira kooram la’aan, iyadoo tiro badan oo ka mid ah xildhibaannada aysan soo xaadirin fadhiga. Kulankan ayaa ahaa mid muhiim ah, waxaana ajendaha ku jiray dhowr qodob oo la filayay in laga doodo, kuwaas oo qeyb ka ahaa shaqooyinka Baarlamaanka.

Mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsanaa ayaa ahaa coddeyn la xiriirtay sharciyo ay soo gudbisay Wasaaradda Beeraha, kuwaas oo maanta loo qorsheeyay in xildhibaanada codka ay ka dhiibtaan. Hase yeeshee, kooram la’aanta awgeed, shaqadii Baarlamaanka waxay ku koobmatay inay dib loo dhigo.

- Advertisement -

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka, Cabdullaahi Cumar Abshiroow, oo maanta shir guddoomiyay, ayaa si kulul u cambaareeyay maqnaanshaha aan sababo lahayn ee xildhibaannada. Wuxuu sheegay in aan la aqbali doonin xildhibaannada si joogto ah uga maqnaada fadhiyada Baarlamaanka, isagoo tilmaamay in tallaabo adag laga qaadi doono kuwa ka soo horjeeda waajibaadkooda.

“Waa ballan in aan lacagta ka jarno xildhibaannada aan u soo xaadirin fadhiyada Golaha Shacabka. Waa inaan si dhab ah u qaadnaa masuuliyadooda, waana inaan ku ciqaabnaa kuwa aan ka qayb qaadan kulammada muhiimka ah,” ayuu yiri Guddoomiye Abshiroow.

Shuruucda maanta la filayay in laga hadlo, oo ay kamid yihiin qodobada la xiriira horumarinta beeraha, ayaa dib loo dhigay ilaa Arbacada, sida uu sheegay Guddoomiye Absjiroow. Tani waxay noqon kartaa fursad kale oo Baarlamaanka loogu yeero inuu qaato go’aamo muhiim ah oo saameyn ku leh nolosha shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Waxaa muuqata in si joogto ah loo hadal hayo maqnaanshaha xildhibaannada, taas oo dib u dhac ku keentay hawlaha Baarlamaanka, iyadoo ay jiraan go’aanno muhiim ah oo ay tahay in la gaaro. Dad badan ayaa rumeysan in baarlamaanka u baahan yahay nidaam adag oo la xisaabtanka xubnaha Golaha, si looga hortago hab-dhaqanka noocan ah oo wiiqaya shaqada dowladeed.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts