HomeWararGolaha Shacabka oo maanta kulmaya kadib 3 jeer uu baaqday

Golaha Shacabka oo maanta kulmaya kadib 3 jeer uu baaqday

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo fadhiyadooda la baajiyey saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaana dhammaan Xildhibaanada lagu wargeliyay inay soo xaadiraan. Baajinta kulamadii hore ayaa dhalisay hadal hayn ku saabsan mooshin ay gudbiyeen qaar ka mid ah xildhibaannada, kuwaas oo ka horyimid tallaabooyin ay qaadeen mudanayaal kale. Inkastoo murankaasi markii dambe la xalliyey, ma jirin […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo fadhiyadooda la baajiyey saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaana dhammaan Xildhibaanada lagu wargeliyay inay soo xaadiraan.

Baajinta kulamadii hore ayaa dhalisay hadal hayn ku saabsan mooshin ay gudbiyeen qaar ka mid ah xildhibaannada, kuwaas oo ka horyimid tallaabooyin ay qaadeen mudanayaal kale. Inkastoo murankaasi markii dambe la xalliyey, ma jirin faahfaahin rasmi ah oo laga bixiyay sababta kulamadu u baaqdeen.

- Advertisement -

Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa horyaalla qodobo muhiim ah oo ay weli qabyo yihiin, kuwaas oo u baahan in dood iyo dhageysi lagu sameeyo. Sidoo kale, qodobo kale ayaa weli sugaya in guddiyada gaarka ah ee loo xil saaray ay usoo gudbiyaan baarlamaanka si loo meelmariyo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa si gaar ah u wargeliyay xildhibaannada in ay hubiyaan joogitaankooda si looga fogaado kooram la’aan, maadaama fadhiga si rasmi ah ku furmayo marka tirada sharciga ah ee xildhibaannada ay buuxsamaan. Kani waa kulan muhiim ah oo lagu xallin doono qodobada dib u dhaca ku yimid iyo mooshinnada taagan, iyadoo la filayo in wax laga qabto arrimaha culus ee horyaalla baarlamaanka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts