HomeWararSaraakiil Sar Sare Oo Maraykan Ah Oo Aadey Furimaha Dagaalka Gobolka Shabeellaha...

Saraakiil Sar Sare Oo Maraykan Ah Oo Aadey Furimaha Dagaalka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow iyo wafdi ka socda saraakiisha Mareykanka ayaa maanta gaaray furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe. Saraakiishan Mareykanka waxaa horkacaya taliyaha howlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka, Colonel David Haskell, kuwaas oo bilaabay dhaqdhaqaaqyo dhinaca amniga ah oo halkaasi ka socda. Intii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow iyo wafdi ka socda saraakiisha Mareykanka ayaa maanta gaaray furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe. Saraakiishan Mareykanka waxaa horkacaya taliyaha howlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka, Colonel David Haskell, kuwaas oo bilaabay dhaqdhaqaaqyo dhinaca amniga ah oo halkaasi ka socda.
Intii ay joogeen, saraakiishan ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Shabeellaha Dhexe, iyaga oo ka wada hadlay qorsheyaal ku saabsan sidii looga sifeyn lahaa Al-Shabaab deegaanada HirShabelle iyo guud ahaan dalka.

Taliye Ibraahim Sheekh Muxudiin oo ka hadlay kulanka ayaa faray saraakiisha inay si buuxda ugu diyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyagoo kaashanaya dadka deegaanka oo iyaguna diyaar u ah inay cadawga la dagaallamaan. Dhanka kale, saraakiisha Mareykanka ayaa taageeray howlgalka socda, iyagoo caddeeyay inay kaalin firfircoon ka qaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

- Advertisement -

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa kusoo beegmaya xilli Shabeellaha Dhexe dib looga bilaabay howlgallo xooggan oo ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan aagga degmada Ruun-nirgood. Maalin ka hor waxaa sidoo kale gobolka ka dhacay duqeyn culus oo lala eegtay kooxaha Al-Shabaab ee ku sugan hawdka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waaweyn ee taageera dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna si joogto ah uga caawiya Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya dhinacyada tababarka, sirdoonka, iyo duqeymaha cirka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts