HomeWararItoobiya oo ka walaacsan Ciidamada Masar ee ka howlgalaya gudaha Soomaaliya

Itoobiya oo ka walaacsan Ciidamada Masar ee ka howlgalaya gudaha Soomaaliya

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dawladda Ethiopia ayaa si adag uga hadashay xaaladda ammaanka ee gobolka Geeska Afrika, iyo weliba walaaca ay ka qabto xilliga kala guurka ee ciidamada Midawga Afrika ee ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya ee ATMIS, kuwaas oo lagu bedelayo hawlgal cusub. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda ee Ethiopia ayaa lagu sheegay inay ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dawladda Ethiopia ayaa si adag uga hadashay xaaladda ammaanka ee gobolka Geeska Afrika, iyo weliba walaaca ay ka qabto xilliga kala guurka ee ciidamada Midawga Afrika ee ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya ee ATMIS, kuwaas oo lagu bedelayo hawlgal cusub.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda ee Ethiopia ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin, halista ka iman karta, hannaanka ay haatan wax u socdaan, taasoo ay sheegeen inay khatar amni ku keeni karto gobolka.

- Advertisement -

Wasaaradda arrimaha debedda ee Ethiopia ayaa sheegtay “in baaqyo kala duwan oo ka soo baxay Ethiopia iyo dalalka ku deeqay ciidamada, inaan si dhab ah loo qaadanin”.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Ethiopia ayaa lagu sheegay “inaanay Ethiopia daawade ka noqonaynin, xilli ay dhinacyada kale ku hawlan yihiin inay qaadaan tallaabooyin ay xasilooni darro kaga abuuryaaan gobolka” Waxayna intaas ku dareen, inay si dhow ula soconayaan isbedellada ka socda gobolka ee taabanaya danohooda qaranka.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay soo baxayaan wararka sheegaya, inay dawladda Masar ay Soomaaliya u fidisay kaalmo milateri, taas oo noqonaysa, kaalmadii ugu horraysay ee noocan ah ee ay Soomaaliya siiyaan muddo afartan sannadood ka badan.

- Advertisement -

Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa isku maandhaafsan heshiiskii ay wada galeen Ethiopia iyo Somaliland ee ku aaddanaa in Ethiopia laga kireeyo marin biyood, sidoo kale Masar iyo Ethiopia ayuu ka dhexeeyaa loollan xooggan oo ku aaddan ka faa’iidaysiga biyaha webiga Niilka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts