HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo u jawabaay Shariif Sheekh Axmed eedna dusha u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u jawabaay Shariif Sheekh Axmed eedna dusha u saaray.

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad dheer oo uu caawa jeediyay kaga hadlay dagaalka dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta, isagoo caddeeyay in dagaalku uusan joogsan, balse uu isbedelay. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qorshihii dagaalka uu galay marxalad cusub, isagoo tusaale u soo qaatay howlgallada ka bilowday Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, halkaas oo labadii sano […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad dheer oo uu caawa jeediyay kaga hadlay dagaalka dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta, isagoo caddeeyay in dagaalku uusan joogsan, balse uu isbedelay. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qorshihii dagaalka uu galay marxalad cusub, isagoo tusaale u soo qaatay howlgallada ka bilowday Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, halkaas oo labadii sano ee lasoo dhaafay aysan wax dagaal ah oo xooggan ka dhicin.

Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay in dagaalka uu yahay mid sii xoogeysanaya, isagoo sheegay in meelaha lagu dagaalamayo iyo qaababka dagaalku ay isbedeleen. Wuxuu caddeeyay in dowladdiisu ay u taagan tahay in dagaalka lagu sii balaariyo dhamaan meelaha ay Khawaarijtu ku sugan yihiin, isagoo xusay in dagaalka uu socon doono ilaa kooxahaasi laga adkaado.

- Advertisement -

Madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay in uu ku kalsoon yahay guusha dagaalka, wuxuuna ku baaqay in la taageero ciidamada dowladda oo dhiigooda u huraya xoreynta dalka. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka hadlay dacaayadaha ka dhanka ah ciidanka, wuxuuna u muuqday inuu ugu jawaabayo Sheekh Shariif oo shalay booqday deegaanka Burka Derin ee Shabeellaha Dhexe, halkaas oo dhowaan laga xoreeyay Al Shabaab.

Latest stories