HomeWararGumaystaha Yahuudda Oo Gubay Guryo Iy Gawaari Ay Leeyihiin Falastiiniyiinta.

Gumaystaha Yahuudda Oo Gubay Guryo Iy Gawaari Ay Leeyihiin Falastiiniyiinta.

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Kooxo Israa’iiliyiin ah oo budhcad ah oo wejiyada soo duubtay ayaa weeraro ka geystay deegaan u dhow magaalada Qalqiya ee ku taalla Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta, waxaana kooxdan budhcadda ahi ay gubeen gaadiid kala duwan, halka ay dileen ugu yaraan hal qof, sida ay sheegeen masuuliyiin kala duwani. Wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa sheegtay […]

- Advertisement -

Kooxo Israa’iiliyiin ah oo budhcad ah oo wejiyada soo duubtay ayaa weeraro ka geystay deegaan u dhow magaalada Qalqiya ee ku taalla Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta, waxaana kooxdan budhcadda ahi ay gubeen gaadiid kala duwan, halka ay dileen ugu yaraan hal qof, sida ay sheegeen masuuliyiin kala duwani.

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in qof Falastiini ah in la dilay halka mid kalena si xun loo dhaawacay, ka dib markii koox budhcad ah oo ah dadka Israa’iiliyiinta ah ee dhulkaas la dejiyey ay rasaas ku fureen tuuladan.

- Advertisement -

Tallaabadan ayaa ah, tii ugu dambaysay ee falal budhcadnimo ah oo kooxaha Israa’iiliyiinta ee dhulkan xoogga lagu dejiyey ay ka geysanayaan Daanta Galbeed.Baraha bulshada ayaa lagu faafiyey muuqaallada, gaadiid iyo guryo gubanaya, ka dib markii weerarkaasi dhacay.

Aqalka Cad ee dalkan Maraykanka ayaa dhaleeceeyey weerarkan ay kooxaha Israa’iiliyiinta ee dhulkan la dejiyey ay ku qaadeen shacabka reer Falastiin, waxaana Aqalka Caddi uu ku baaqay in weeraradan ka dhacay Daanta Galbeed inay yihiin kuwo aan la aqbali karin, ayna tahay in la joojiyo.

Aqalka Cad ayaa ugu baaqay masuuliyiinta Israa’iil inay qaadaan tallaabooyin ay ku ilaalinayaan bulshada halkaa ku dhaqan, inaan wax dhibaato ha la soo gaadhsiin oo ay ku jiraan inay qaadaan taallaabooyin ay ku joojinayaan falalkan gacan ka hadalka ah, isla markaana in lala xisaabtamo cidda ku kacday.

- Advertisement -

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in unugyo ka tirsan ciidamada booliska iyo Milaterigu inay arrintan soo farogeliyeen, isla markaana ay xabsiga dhigeen ugu yaraan hal qof oo Israa’iili ah. Waxayna cambaareeyeen falkan.

Latest stories