HomeWararDowlada Soomaaliya oo dalka ka mamnuucdey Daawooyin halis ku ah Bulshada

Dowlada Soomaaliya oo dalka ka mamnuucdey Daawooyin halis ku ah Bulshada

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuunadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xasan Maxamed Bulaale ayaa sheegay inay dalka mamnuuc ka tahay in la soo geliyo Daawooyinka loo isticmaalo daroogo ahaanta ee maanka dooriya. Wasiirka ayaa uga digay dadka Soomaaliyeed ee ka ganacsada doowooyinkaas iney ka waan toobaan, isagoona ku hanjabay in talaabooyin adag ka qaadi doonto Xukuumada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuunadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xasan Maxamed Bulaale ayaa sheegay inay dalka mamnuuc ka tahay in la soo geliyo Daawooyinka loo isticmaalo daroogo ahaanta ee maanka dooriya.

Wasiirka ayaa uga digay dadka Soomaaliyeed ee ka ganacsada doowooyinkaas iney ka waan toobaan, isagoona ku hanjabay in talaabooyin adag ka qaadi doonto Xukuumada dadka Ganacsatada ah ee daawooyinka maanka dooriya dalka soo galiya.

“Waa mamnuuc in dalka la keeno Dawooyinka maandooriye ahaanta loo isticmaalo ee dhowrkii sano ee la soo dhaafay dad ganacsato ah dalka keenayeen, ha ogaadaan dadkaas in daawoyinkaas lagu qaban doono dekada iyo garoonka, waxaan leyahay ka waan tooba arintaas oo dhib ha u horseedina dadkiina” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Soomaaliya Maxamed Xasan Maxamed.

- Advertisement -

Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya in Xukuumadda ay ka go’an tahay wax ka qabashada daawoyinka si guud ahaan ganacsatada Soomaaliyeed dalka u soo galiyaan ee bilaa tayada ah.

“Waan ognahay in daawoyin tayadooda yar tahay in dalka la keeno oo ganacsatada tagaan shirkadaha daawoyinka sameeya ee dibada ku yaala, waxaan diyaarinay habraac daawoyinkaas lagu saxayo oo lagu kontarolayo daawo kasta oo dalka soo gasha, Xukuumadda bishii janaayo ayay ansixisay hadana Baarlamaanka ayuu horyaala habraas, ayagana wan rajeyna iney meel marin doonaan” ayuu yiri Wasiir Maxamed Xasan.

Ugu dambeyntii hadalka Wasiir ku xigeenka Caafimaadka ayaa kusoo aadaya, iyadoo Soomaaliya la sheego iney ka mid tahay dalalka ugu liita dhinaca caafimaadka, maadama aysan jirin Koontorool rasmi ah oo lagu sameeyo Dawooyinka la keenayo dalka oo ay soo sameystaan dad ganacsato.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts