HomeWararQarax Khasaare dhaliyay oo Muqdisho ka dhacay iyo Booliska oo War Kasoo...

Qarax Khasaare dhaliyay oo Muqdisho ka dhacay iyo Booliska oo War Kasoo saaray

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Booliska Soomaaliya ayaa war kasoo saaray qarax Khasaare dhaliyay oo galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Warta Nabadda. Booliska oo soo saaray qoraal ayaa waxaa ay sheegeen in Kaalin shidaal oo ku taalla  Isgoyska Cali-kamiin ee Degmada Warta-nabada u uku qarxay qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo Boolisku ay eryanayeen. Waxaana goobta […]

- Advertisement -

Booliska Soomaaliya ayaa war kasoo saaray qarax Khasaare dhaliyay oo galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Warta Nabadda.

Booliska oo soo saaray qoraal ayaa waxaa ay sheegeen in Kaalin shidaal oo ku taalla  Isgoyska Cali-kamiin ee Degmada Warta-nabada u uku qarxay qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo Boolisku ay eryanayeen.

- Advertisement -

Waxaana goobta uu ak dhacay Qaraxu ay wax ka yar 1 KM u jirtaa garoonka Cayaaraha ee Stadium Muqdisho, oo galabta ay ka dhacday cayaar aad u xiisa badnayd oo u dhexeysay Maamulka Galmudug iyo Gobolka Banaadir.

“Maanta 24 Jan 2024 abaare 16:00 Galabnimo, ayaa Ciidanka Boliisku la kulmeen qof u muuqday inuu dhagarqabe yahay, wuxuu isku dayay inuu baxsado, Ciidanka oo cayrsanaya ayuu ku qarxay Kaalin shidaal oo ku yaalay Isgoyska Cali-kamiin ee Degmada Warta-nabada oo u jira ugu yaraan 1 KM garoonka Cayaaraha ee Stadium Muqdisho” ayaa lagu yiri Qoraalka Booliska.

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in labo qof ay ku dhinteen qaraxaasi, waxaana gabi ahaanba burburay Kaalinkii shidaalka uu qofku isku qarxiyay.

- Advertisement -

Ciidanka Boliiska oo goobta u gurmaday, ayaa gargaar caafimaad u sameeyay dadkii waxyeeladu ka soo gaartay qaraxaas.

Latest stories