HomeWararDiyaarad sidday xamuul oo maalmo kahor DFS ka celisay Hawada oo saaka...

Diyaarad sidday xamuul oo maalmo kahor DFS ka celisay Hawada oo saaka ka dagtay Hargeysa

Date:

Related stories

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somalis Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Diyaaradda siday xamuulka ee labo maalin ka hor dowladda Federaalka Soomaaliya ka hor istaagay inay ka degto garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee Maanta oo sabti ah ka dagtay Hargeysa. Diyaaraddan ku diwaangashan P4-JAG, lagana leeyahay dalka Thailand, tirsiga duulimaadkeeduna ahaa JAG1318 ayaa caga dhigatay Garoonka Cigaal ee Hargeysa, waxaana […]

- Advertisement -

Diyaaradda siday xamuulka ee labo maalin ka hor dowladda Federaalka Soomaaliya ka hor istaagay inay ka degto garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee Maanta oo sabti ah ka dagtay Hargeysa.

Diyaaraddan ku diwaangashan P4-JAG, lagana leeyahay dalka Thailand, tirsiga duulimaadkeeduna ahaa JAG1318 ayaa caga dhigatay Garoonka Cigaal ee Hargeysa, waxaana la sheegay inay sidday xamuul (Cargo).

- Advertisement -

Wararka la helayo ayaa sheegaya in diyaaraddan kasoo duushay magaalada Sharjah ee dalka Imaaraadka Carabta, kadibna ay dib ugu laabatay magaaladaasi, ka gadaal markii ku dhawaad hal saac ay joogtay Garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa.

2 maalin kahor ayey aheyd markii dawladda Federaalka Soomaaliya ay hawada dib uga celisay diyaarada ka diiwaangashan dalka Thailand, taasi oo diiday inay faahfaahin ka bixso agabyada ay wado, kal hore 13kii bishan ayay diyaaradan agabyo xamuul ah geysay Hargeysa, kuwaas oo aan tafaasiil laga heynin.

Hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ayaan weli ka hadal diyaarada saakay ka dagtay aroonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Latest stories