HomeWararMuuse Biixi oo Itoobiya Badda Saylac u Saxiixay iyo DFS oo Jawaab...

Muuse Biixi oo Itoobiya Badda Saylac u Saxiixay iyo DFS oo Jawaab laga sugayo Maanta

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Heshiis ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhaliyay hadal hayn aad u weyn oo Soomaalida dhexdeeda ah, waxaana dhammaan umadda Soomaaliyeed layaab iyo amakaag ku noqday heshiiskaas Muuse Biixi uu Itoobiya ku siiyay Badda Saylac. Heshiiska oo layaab ku noqday umadda Soomaaliyeed ayaa waxaa la filayaa in kulamadii ugu adkaa ay yeeshaan madaxda Dowladda […]

- Advertisement -

Heshiis ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhaliyay hadal hayn aad u weyn oo Soomaalida dhexdeeda ah, waxaana dhammaan umadda Soomaaliyeed layaab iyo amakaag ku noqday heshiiskaas Muuse Biixi uu Itoobiya ku siiyay Badda Saylac.

Heshiiska oo layaab ku noqday umadda Soomaaliyeed ayaa waxaa la filayaa in kulamadii ugu adkaa ay yeeshaan madaxda Dowladda Federaalka, kuwaasi oo looga jawaabayo damaca Itoobiya, waxaana muuqata in Dowladda Itoobiya ay faragalin toos ah ku sameysay Qaranimada Soomaaliya.

- Advertisement -

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan deg deg ah la isugu yeeray, sidoo kale waxaa iyagana Maanta la isugu yeeray Baarlamaanka oo uu madaxweynahu hortagayo, sababta keentay kulamadaas deg deg ah ayaana ah Faragalinta qaawan ee Itoobiya ay ku sameysay Soomaaliya.

Arrintaan ayaa timid kadib markii Itoobiya iyo Somaliland ay kala saxiixdeen  heshiis is-afgarad ku saabsan iskaashiga dhinaca dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga, sidoo kalena Madaxweynaha Somaliland uu Itoobiya u saxiixay Badda Saylac.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itooibya Abiy Axmed ayaa sheegay in is-afargaradku uu u gogol xaarayo in Itoobiya ay ka dhabayso riyadeedii ahayd inay marin u hesho Badda Cas.

- Advertisement -

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Abiy Axmed ayaa lagu sheegay in is-afargadku sidoo kale uu u oggolaanayo Itoobiya iyo Somaliland inay xoojiyaan iskaashigooda amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa baahiyey codka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, oo ka hadlayey munaasabadda saxiixa oo sheegay in dhinaca Somaliland ay aqoonsi ka helayaan Itoobiya.

“Waxaa inoo farxad ah oo aan uga mahadnaqayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo itoobiyaba sidii aan ku heshiinay ee ku qoran halkan, in annaguna aan u oggolaano 20KM oo bad ah, iyaguna markaaba ay na aqoonsadaan oo ay qaranka Somaliland dalwaddii ugu horraysay ee na aqoonsata noqon doonaan” ayuu yiri Muuse Biixi.

Tallaabadan ayaa imanaysa maalmo kadib markii dawladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ay heshiis ku gaareen magaalada Jabuuti inay sii ambaqaadaan wadahadalkii u dhexeeyey.

Latest stories