HomeWararHoobiye lagu Garaacay Xaafad ka tirsan Muqdisho iyo Khasaare ka dhashay

Hoobiye lagu Garaacay Xaafad ka tirsan Muqdisho iyo Khasaare ka dhashay

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Faah fahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Hoobiye Saaka Aroornimadii hore ku dhacay Qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho. Guri ku yaalla Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa saaka Aroortii hore ku fariistay Hoobiye, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho leh oo soo gaaray dad Rayid ah. Inta la xaqiijiyay Hal qof oo Hawenay ah […]

- Advertisement -

Faah fahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Hoobiye Saaka Aroornimadii hore ku dhacay Qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Guri ku yaalla Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa saaka Aroortii hore ku fariistay Hoobiye, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho leh oo soo gaaray dad Rayid ah.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay Hal qof oo Hawenay ah ayaa ku geeriyootay, waxaana Hoobiyaha uu haleelay reerkaasi Xili ay hurdada ku jireen, sidoo kale waxaa burbur xooggan uu gaaray guriga.

Dadka degaanka oo warbaahinta Dalsan la hadlay ayaa sheegay in Hoobiyaha uu haleelay Xili ay hurdo ku jireen. Qol-qal iyo cabsi aad u daranna ay dareemeen, maaddaama Haweenayda dhimatay si weyn looga yaqaannay Xaafaddooda.

Laamaha ammaanka ee Gobolka Banaadir wali wax war ah kama soo saarin duqeynta ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan Boondheere.

- Advertisement -

Jugta dhawaqa Hoobiyaha ayaa laga maqlay Xaafado ka tirsan Caasimadda, sidoo kalena lama soo sheegin Khasaare kale oo ka dhashay duqayntaasi.

Latest stories