HomeWararKhasaaro Hantiyadeed oo ka dhashay Dabkii ka kacay Suuqa Xamar-weyne

Khasaaro Hantiyadeed oo ka dhashay Dabkii ka kacay Suuqa Xamar-weyne

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Khasaaro hantiyadeed oo farabadan ayaa ka dhashay Dab xooggan oo xalay fiidkii hore ka kacay Suuqa degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho, dabka ayaa markii hore ka kacay suuqa qeybta Masjidka Marwaaz. Dabka oo mudo daqiiqado socday ayaa kusii faafay qeybta Dahablaha iyo kawaanka Hilibka ee Suuqa Xamar-weyne, isla markaana waxa uu dabka socday laba saacadood […]

- Advertisement -

Khasaaro hantiyadeed oo farabadan ayaa ka dhashay Dab xooggan oo xalay fiidkii hore ka kacay Suuqa degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho, dabka ayaa markii hore ka kacay suuqa qeybta Masjidka Marwaaz.

Dabka oo mudo daqiiqado socday ayaa kusii faafay qeybta Dahablaha iyo kawaanka Hilibka ee Suuqa Xamar-weyne, isla markaana waxa uu dabka socday laba saacadood oo xiriir ah, iyadoona markii dambe lagu guuleystay in la demiyo dabkaasi kacay.

- Advertisement -

Gaadiidka dab demiska Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa Shirkaddaha Isgaarsiinta iyo dadweyne farabadan ayaa ka qeyb qaaday deminta dabka, waxaana ka dhashay khasaaro hantiyeed oo baaxad leh, kadib markii uu baahay dhul aad u ballaaran.

Bukhaari Milkiilaha oo ah milkiilaha Carwa Xul Style ayaa sheegay in dabkan uu ku waayay dukaankiisa, wuxuuna sheegay inuu ku basbeelay dabka ka kacay Xamar-weyne.

“Xul Style dadku inta badan way wada garanayaan waxaan iibin jirnay dharka dumarka  noocyadiisa kala duwan hal shey lagama bixin dukaanka, lacagta ku jirtay xaqiiqatan waa ku dhowdahay 40 kun oo dollar” ayuu yiri Carwa Xul Style Bukhaari Milkiilaha.

- Advertisement -

Muddooyinkiii u dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacday Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaal caasimada.

 

 

Latest stories