HomeWararWararkii ugu danbeeyay Guri uu Muqdisho ka degan yahay Mas’uul oo la...

Wararkii ugu danbeeyay Guri uu Muqdisho ka degan yahay Mas’uul oo la Qarxiyey

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog fog ayaa xalay lagu xiray guri uu degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ka degan yahay Guddoomiye waaxeed ka tirsan Maamulka degmadaasi. Dadka deegaanka xaafada uu qaraxu ka dhacay ayaa kusoo warramay in Guddoomiye waaxeedka qaraxa loogu xiray gurigiisa uu ka badbaaday isaga iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog fog ayaa xalay lagu xiray guri uu degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ka degan yahay Guddoomiye waaxeed ka tirsan Maamulka degmadaasi.

Dadka deegaanka xaafada uu qaraxu ka dhacay ayaa kusoo warramay in Guddoomiye waaxeedka qaraxa loogu xiray gurigiisa uu ka badbaaday isaga iyo dadkii kale ee la joogay, kuwaasi  oo xilligii uu qaraxaasi dhacaayay ku sugnaa hoyga.

- Advertisement -

Ma jiro wax khasaaro ah oo ka dhashay qaraxii xalay ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, balse waxaa la sheegay oo kaliya in qaraxa oo ahaa mid xooggan uu burbur gaarsiiyay guriga masuulka , mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada Deyniile.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca qaraxyo isugu jira miinooyin iyo kuwo loo adeegsado gaadiid laga soo buuxiyo  walxo qarxa, waxaana falalkaasi ka dhaca khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts