HomeWararGolaha Wasiirada Xukuumadda oo Maanta kulan aan caadi aheyn ku leh Muqdisho

Golaha Wasiirada Xukuumadda oo Maanta kulan aan caadi aheyn ku leh Muqdisho

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti ah waxaa la isugu yeeray kulan aan caadi aheyn, kaasi oo saacadaha soo socda lagu wado inuu ka dhaco xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre. Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa goorsii horeeysay oo xalay aheyd loo diray fariimo loogu wargelinayo in Maanta uu jiro kulan ay […]

- Advertisement -

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti ah waxaa la isugu yeeray kulan aan caadi aheyn, kaasi oo saacadaha soo socda lagu wado inuu ka dhaco xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre.

Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa goorsii horeeysay oo xalay aheyd loo diray fariimo loogu wargelinayo in Maanta uu jiro kulan ay yeelanayaan Golaha, isla markaana looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan kulankaasi.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa kulanka shir guddoomin doona, waxaana looga arrinsan doonaa qodobo dhowr ah oo ku aadan xaalada dalka gaar ahaan howlgalada ka dhan ah Al-Shabaab ee socda.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Golaha Wasiirada ay kulankooda uga doodi doonaan arrimo kale oo la xiriira xisaab xirka miisaaniyadda dowladda Soomaaliya iyo qodobo kale oo qorsheysan.

Golaha ayaa Khamiistii lasoo dhaafay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku go’aamiyeen in mushaarkooda bishaan lagu taageero ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Latest stories