HomeWararNin Bam ku tuuray goob ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan DANAB...

Nin Bam ku tuuray goob ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan DANAB oo la qabtay

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ee ku sugan magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa gacanta kusoo dhigay Nin la sheegay inuu Bam gacmeed ku tuuray saraakiil ka tirsan ciidanka DANAB. Ciidanka ayaa ninkan gacanta ku dhigay, ka gadaal markii uu Bam gacmeed ku tuuray guri ku yaalla xaafad ka tirsan magaalada […]

- Advertisement -

Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ee ku sugan magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa gacanta kusoo dhigay Nin la sheegay inuu Bam gacmeed ku tuuray saraakiil ka tirsan ciidanka DANAB.

Ciidanka ayaa ninkan gacanta ku dhigay, ka gadaal markii uu Bam gacmeed ku tuuray guri ku yaalla xaafad ka tirsan magaalada Kismaayo oo ay degnaayeen saraakiil ka tirsan ciidanka Kumaandooska, waxaana la tilmaamay in ninka marka hore uu baxsaday.

- Advertisement -

Saraakiil ka tirsan ciidanka DANAB ayaa laga soo xigtay in ninka weerarka geystay oo lagu magacaabo Abshir Mowlid Axmed uu damcay inuu falka kadib goobta ka baxsado, balse ciidanka ayaa cayrsaday kana soo saaray xaafad uu ku dhuuntay.

Abshir ayaa hadda waxa uu ku jiraa gacanta ciidanka Kumaandooska DANAB, isaga oo baaritaan lagu sameeyo ku sheegay ineey jiraan bambooyin u kaydsan damacsanaana inuu falal amni darro oo kale ka gaysto magaalada Kismaayo.

Latest stories