HomeWararYahuudda oo Xasuuqday Shacab Falastiiniyiin ah iyo Caro ka taagan Caalamka Islaamka

Yahuudda oo Xasuuqday Shacab Falastiiniyiin ah iyo Caro ka taagan Caalamka Islaamka

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Yahuudda ayaa xalay xasuuqii ugu ba’annaa ka gaysatay cusbitaalka Al-ahli ee Gaza, waxaana lasoo wariyay dhimashada boqolaal qof oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada, sida carruur, haween iyo waayeel. Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden uu maanta safar ku tagayo Israa’iil si uu taageero ugu muujiyo. Ururka […]

- Advertisement -

Yahuudda ayaa xalay xasuuqii ugu ba’annaa ka gaysatay cusbitaalka Al-ahli ee Gaza, waxaana lasoo wariyay dhimashada boqolaal qof oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada, sida carruur, haween iyo waayeel.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden uu maanta safar ku tagayo Israa’iil si uu taageero ugu muujiyo.

- Advertisement -

Ururka Xamaas ayaa ku eedeeyey Israa’iil inay weerartay cusbitaalka magaalada Gaza ee al-Ahli Arab Hospital, iyaga oo bayaan ay soo saareen ku sheegay inay cusbitaalka yaalleen “boqolaal qof oo dhaawac ah, qaar badan oo ka mida dadka barakacay, bukaano kale, caruur iyo haween.”

Mas’uuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in tirada dhimashadu ay gaadhayso illaa 500 oo qof.

Ciidamada Israa’iil ayaa dhinacooda beeniyey inay khaladka leeyihiin, iyaga oo ku dooday in gantaal habow ah oo ay soo rideen kooxda Islamic Jihad inuu ku dhacay cusbitaalka. Hase ahaatee warkaas waxaa beeniyey kooxda xagjirka ah ee Islamic Jihad.

- Advertisement -

Xamaas ayaa qaraxa ka dhashay weerarkan ugu yeedhay “dembi xasuuq ah, kaas oo markale soo bandhigaya wejiga foosha xun ee cadawga dembiilayaasha ah iyo weliba dawladeedaa faashiistaha iyo argagixisada ah”.

Biden oo markii hore qorsheeyey inuu safar ku tago dalka Urdun si uu ula kulmo qaar ka mida hoggaamiyayaasha carabta ayaa haatan wararku sheegayaan inuu baajiyey safarkaasi.

Aqalka Cad ee Maraykanka oo sii daayey warsaxaafadeed, lagu soo beegay xilligii uu madaxweyne Biden ka dhoofay Maraykanka, ayaa lagu sheegay “In ka dib wada-tashi uu la yeeshay boqorka Urdun King Cabdallaha labaad, isla markaana iyada oo lagu jiro maalmo baroordiiq ah oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha maamulka Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas, in Madaxweyne Biden uu dib u dhigay safarkiisii qorshaysnaa inuu ku tago Urdun, halkaas oo markii hore la filayey inuu kula kumo madaxda Masar iyo Urdun.”

Latest stories