HomeWararFaah Faahin: Qarax Muqdisho ka dhacay iyo Dowladda oo war kasoo saartay

Faah Faahin: Qarax Muqdisho ka dhacay iyo Dowladda oo war kasoo saartay

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax Ismiidaamin ahaa oo xalay lagu weeraray Maqaaayad ku taalla Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay,  Qaraxa ayaana waxaa ka dambeeyey qof isa soo miidaamiyey oo isku qarxiyey dad shaah ku hor cabayey maqaayadda Blue Sky. Qaraxa ayaa dhacay 9:00 […]

- Advertisement -

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax Ismiidaamin ahaa oo xalay lagu weeraray Maqaaayad ku taalla Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay,  Qaraxa ayaana waxaa ka dambeeyey qof isa soo miidaamiyey oo isku qarxiyey dad shaah ku hor cabayey maqaayadda Blue Sky.

- Advertisement -

Qaraxa ayaa dhacay 9:00 fiidnimo xiliga Muqdishu, sida ay sheegeen ciidamada booliiska, waxaana jugra qaraxa si weyn looga maqlay xaafado badan oo ka mid ah Caasimadda.

Booliiska ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in Cabdifitaax Macalin Nuur Qeys oo ahaa agaasimihii xafiiska Muqdishu ee telefiishanka Somali Cable uu ku dhintay qaraxaasi is-miidaaminta ahaa, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen.

Geerida Cabdifataax Qeys waxaa xaqiijiyey telefiishanka uu u shaqaynayey ee Somali Cable oo Facebook ku qoray inuu ku dhintay qaraxa dhacay caawa, sidoo kale waxaa tacsiyeeysay Dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daud Aweis Jama, Wasiirku Xigeenka, Agaasimaha Guud, Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Iyo dhammaan shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska ee JFS ayaa tacsi tiiraanyo  leh u diray bahda saxaafadda, qoyska , ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabdifataax Macallin Nuur (Qeys) oo ahaa Agaasimaha Television-ka Somali Cable ee xafiiska magaalada Muqdisho.

Qaraxa kan ka horreeyey ayaa Muqdishu ka dhacay 29-kii September waxaana ku dhintay shan qof.

Dawladda Soomaaliya ayaa wadda hawlgallo milatari oo ka dhan ah al-Shabaab, waxaana madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Muqdishu kusoo dhoweyey ciidamo hor leh oo lagu soo tababaray dalka Eritrea.

Latest stories