HomeWararRW Xamse oo sheegay in dalka ay ka dhici doonaan Isbeddello waaweyn

RW Xamse oo sheegay in dalka ay ka dhici doonaan Isbeddello waaweyn

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in soddonkii sano ee ay Soomaaliya ku jirtay colaadaha iyo dowlad burburka ay adduunyadu ku tallaabsatay horumarro iyo isbeddello dunida wax ku soo biiriyey, si uu dalka u xaqiijiyo kuwa lamid ahna loo baahan yahay in loo shaqeeyo si ka duwan, kana dadaal badan […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in soddonkii sano ee ay Soomaaliya ku jirtay colaadaha iyo dowlad burburka ay adduunyadu ku tallaabsatay horumarro iyo isbeddello dunida wax ku soo biiriyey, si uu dalka u xaqiijiyo kuwa lamid ahna loo baahan yahay in loo shaqeeyo si ka duwan, kana dadaal badan sidii hore.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay shirka heerka farsamo ee Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Maareeyeyaasha Hey’adaha ee ku saabsan aqoon-is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya, ayaa tilmaamay in ay laf-dhabar u yihiin agaasimeyaasha guud dhaqan gelinta geeddigaas dowladnimada casriga ah ee uu dalku u jiheystay.

- Advertisement -

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, ayaa hoosta ka xariiqay in  dalka ay ka dhici doonaan isbeddello waaweyn oo ay ugu horreeyaan la-dagaalanka Al-Shabaab, deyn cafinta, dhammeystirka dastuurka iyo bixitaanka ATMIS.

Latest stories