HomeWararArdayda iskuulladu ma heli doonaan 2 maalmood oo cayaar iyo nasasho ah

Ardayda iskuulladu ma heli doonaan 2 maalmood oo cayaar iyo nasasho ah

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Wasaradda waxbarashada  hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda faderaalka ah ee soomaaliya ayaa horraantii bishii  9aad sanadkan waxa aay soo saartay amarro la xiriira Wax ka bedelka jadwalkii  waxbarasho ee dalka gaar ahaan Dugsiyadda hoose, dhexe midka sare iyo jamacadaha taas oo  bilowga sanadkan la hir gelin doono sida ay sheegtay wasaraddu. Dugsiyada hoose,dhexe iyo […]

- Advertisement -

Wasaradda waxbarashada  hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda faderaalka ah ee soomaaliya ayaa horraantii bishii  9aad sanadkan waxa aay soo saartay amarro la xiriira Wax ka bedelka jadwalkii  waxbarasho ee dalka gaar ahaan Dugsiyadda hoose, dhexe midka sare iyo jamacadaha taas oo  bilowga sanadkan la hir gelin doono sida ay sheegtay wasaraddu.

Dugsiyada hoose,dhexe iyo kuwa sare ee dalka ayey ardaydu aadi doonaan 6 maalmood oo xiriir ah halka marki ay hore ay ardaydu iskuulladu aadi jireen 5 maalmood 2 maalmood oo todobaadka kamidana ay nasan jireen sida ay qorsheeysay  wasaaradda waxbarshada ujeedduna tahay tayeeynta waxbarashada iyo ardaydaba.

- Advertisement -

‘’Waxa soo siyaaday hal maalin oo waxbarasho ah macnaheedu waxa waaye malinkaas in waxbarashada lagu daray waxay ka qeyb qadanaysa tayeeynta waxbarashada dowladii hore Somalia maalintaas wuu ku jirey burburkii ka dib ayaa maalintaan laga reebay hadana waa la soo celshay waa arin wanagsan’’ waxaa sidaas yiri  guddoomiyaha midowga dugsiyada gobollka benadir prof-Maxamuud Cumar Saxane.

Jamacadaha dalka ayaa sido kale lagu daray hal sano oo diyaarin ah taas oo ardayda ay baran donaan mudadaas casharo la xiriira barashada luuqadaha kala English carabi iyo tayeeynta afka hooyo ee soomaaliga  ah. Taas oo ardayda looga hortagi karo in ay ku adkaadan madooyiinka ay baranayaan.

- Advertisement -

Jamacadaha qaar ayaa nidaamkan hore ugu dabaqi jirey ardayda wax ka baranaysa jamacadahaas kuwaas oo ahaa jamacado fara ku tiris ah oo lagu tilmaami jirey in ay yihiin kuwo tayo leh ardayda ka soo baxda balse hada waxa nidaamkan ka faaiideysan doona dhamaan ardayda bilaabaysa jamacadaha dalka.

‘’Runtii wasarada waanka wada hadalnay waanka doodanay sido kale hore Ayaan ugu gudbinay waa arin wanaagsan hadii la dhaqan galiyeey. Waxba ma halaabayaan waa arin wanaagsan oo soo siyaadey ardaydana waxay u tahay faa,iido soo koroortay’’

Agaasimaha  Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka Ismaciil Yuusuf Xasan ayaa xusay in nidaamkan loo gudbin doono dhamaan gobollada dalka si dalka oo dhan uu uga hirgalo nidamkani.

Wasaaradda waxbarashada ayaa sheegtay in tayeeynta waxbarashada dalka in ay yareeyn karto shaqo la’aanta dalka ka jirta taas oo dhainyarada u sahlaysa in ay si sahlan ula jaanqadi karaan dhamaan fursadaha shaqo ee dalka.

‘’ Wasaaraddu waxay wadda dedaallo badan oo kor loogu qaadayo waxbarashada dalka haddi la tayeeyo oo kor loo qaado waxbarashada dalkeena waxa yaraanaya fursadaha shaqo la,aa nee dalka markaa waxaamu sameynay la tashiyo dhowr ah oo guuleystay taas oo keentay in aan ku guuleysano inaan wax ka bedelno nidaamka waxbarashada dalka’’ayuu raaciyay Agaasimuhu.

Bulshada soomaaliyeed ayaa ku kala aragti duwan hirgelinta nidaamkan iyaga oo xusay in duruufo dhaqaale oo haysta waalidiinta dhalay ardayda qaarkood aysan awoodin sanadka lagu daray jamacadaha dalka taas oo caqabad ku noqon karta ardayda, hase yeeshee qaarkood ayaa qaba in wasaaraddu ay arintaas ka soo saari karaan arrimo xal loogu raadinayo cabashooyiinka la xiriira arinta.

Farxiyo Maxamed Xuseen, Bilan Media reporter

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories