HomeWararWFP oo dalbatay in waddooyin ammaan ah si ay u tagto Gaza

WFP oo dalbatay in waddooyin ammaan ah si ay u tagto Gaza

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa Talaadadii ku baaqday in la sameeyo waddooyin ammaan ah oo la mariyo gargaarka bini’aadanimo ee la geynayo marinka Gaza, taas oo ay isticmaali karaan shaqaaleheeda iyo gargaarka ay wadaan. Bayaanka ay soo saartay WFP ayay ku sheegeen inay billaabeen, hawlgal degdeg ah oo ay doonayaan in cunto lagu gaadhsiiyo […]

- Advertisement -

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa Talaadadii ku baaqday in la sameeyo waddooyin ammaan ah oo la mariyo gargaarka bini’aadanimo ee la geynayo marinka Gaza, taas oo ay isticmaali karaan shaqaaleheeda iyo gargaarka ay wadaan.

Bayaanka ay soo saartay WFP ayay ku sheegeen inay billaabeen, hawlgal degdeg ah oo ay doonayaan in cunto lagu gaadhsiiyo in ka badan 80,000 oo qof oo ku nool marinka Gaza iyo Daanta Galbeed, kuwaas oo haatan aan haysan adeegyada aasaasiga ah, sida cuntada iyo biyaha.

- Advertisement -

WFP ayaa intaas ku dartay inay qaybiyeen cuntooyin diyaar ah, taas oo ay gaadhsiiyeen illaa 73,000 oo qof oo ku nool marinka Gaza.

WFP ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladda cunto yaraanta ee ka jirta Gaza, iyada oo haatan ay gabaabsi yihiin, cuntooyinkii yaallay meheradaha ganacsigu, ka dib markii ay Israa’iil ku dhawaaqday inay gebi ahaanba go’doominayso deegaankan.

Israa’iil ayaa sheegtay inay tallaabadan u qaadayso, si ay uga falceliso weerarkii Sabtidii.

Latest stories