HomeWararFaah faahin: Dagaal khasaaro dhaliyay oo dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo kuwo Macwiisley...

Faah faahin: Dagaal khasaaro dhaliyay oo dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo kuwo Macwiisley ah

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Dagaal xooggan oo u dhexeeyay ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo macwiisley ah ayaa gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle. Dagaalkan oo bilowday salaadii casir kadib soona gaaray fiidkii caawa ayaa yimid, kadib markii Askari ka tirsan ciidanka dowladda uu dilay qof shacab ah oo kamid ah dadka […]

- Advertisement -

Dagaal xooggan oo u dhexeeyay ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo macwiisley ah ayaa gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Dagaalkan oo bilowday salaadii casir kadib soona gaaray fiidkii caawa ayaa yimid, kadib markii Askari ka tirsan ciidanka dowladda uu dilay qof shacab ah oo kamid ah dadka deegaanka Maxaas, waxaana falkaas ka carooday macwiisleyda.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Maxaas ee gobolka Hiiraan Muumin Maxamed Xalane oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dagaalka dhexmaray labada dhinac uu si kedis ah ku bilowday, isla markaana uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Guddoomiye Muumin ayaa tilmaamay inay ku guuleysteen joojinta dagaalka khasaaraha dhaliyay, wallow uu ka gaabsaday inuu khasaaraha jira sheego.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray Guddoomiyaha inay wadaan baaritaano ku aadan waxa sababay dagaalkii dhexmaray ciidanka macwiisleyda iyo kuwa dowladda ee Maxaas jooga.

- Advertisement -

Wararkii ugu danbeeyay ee aan caawa ka helayno degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaaladu yahay mid dagan, inkastoo weli xiisad laga dareemayo aaga uu dagaalku ka dhacay.

Latest stories