HomeWararKhasaaraha ka dhashay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Buulo-burte

Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Buulo-burte

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ugu yaraan Lix ruux ayaa ku geeriyootay, halka 11 qof kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii duhurnimadii Maanta uu qarax Is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxo qarxa uu ka dhacay degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan. Qaraxa ayaa sida ay ku warrameen dad ku sugan Buulo-burte ka dhacay Suuqa lagu iibiyo […]

- Advertisement -

Ugu yaraan Lix ruux ayaa ku geeriyootay, halka 11 qof kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii duhurnimadii Maanta uu qarax Is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxo qarxa uu ka dhacay degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa sida ay ku warrameen dad ku sugan Buulo-burte ka dhacay Suuqa lagu iibiyo Hilibka ee degmadaas, waxaana la tilmaamay in gaariga qaraxyada siday uu qarxay, iyadoo rasaas ay ku furayaan ciidanka Booliska Hirshabeelle ee goobta joogay.

- Advertisement -

Dadka ku dhintay qaraxa ayaa la xaqiijiyay in afar kamid ah ay yihiin dad shacab ah, halka laba qof kalena ay ahaayeen Askar ka tirsan ciidanka maamulka, dhaawacyada ayaa la geeyay xarumo caafimaad, kuwaasi oo qaarkood la keenayo Muqdisho.

Sidoo kale qaraxa Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay degmada Buulo-burte ayaa geystay burbur xooggan oo gaaray dhismayaashii ka Agdhawaa Suuqa lagu iibiyo Hilibka ee degmadaas oo ah sida la tilmaamay meel aad u mashquul badan.

Sabtigii lasoo dhaafay ee todobaadkaan ayay aheyd markii qarax Is-miidaamin oo galaaftay nolosha ku dhawaad 30 ruux, isla markaana ay ku dhaawacmeen in ka badan 50 ruux uu ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Latest stories