HomeWararWararkii ugu danbeeyay Qaraxii saaka lagu Weeraray Mas’uuliyiin ka tirsan DF &...

Wararkii ugu danbeeyay Qaraxii saaka lagu Weeraray Mas’uuliyiin ka tirsan DF & Galmudug

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Is-miidaamin ahaa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo saaka oo jimco ah lagu weeraray deegaanka Laas Gacamey oo u dhexeeya deegaaada Wisil iyo Bacaadweyne ee gobolka Mudug. Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiin […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Is-miidaamin ahaa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo saaka oo jimco ah lagu weeraray deegaanka Laas Gacamey oo u dhexeeya deegaaada Wisil iyo Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiin isugu jiray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo saraakiil ciidan oo farabadan.

- Advertisement -

Wararka la helayo ayaa sheegaya in gaariga uu ku qarxay meel aad ugu dhow goobta ay joogeen mas’uuliyiinta ee tuulada Laas Gacamey, isla markaana waxaa waxaa qaraxaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo gaaray Askar iyo Xildhibaano.

Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo ka tirsan Golaha Shacabka, kuna sugnaa goobta la weeraray oo la hadlay Idaacadda VOA-da ayaa u sheegay in saaka aroortii lagu soo weeraray gaari qarax ah, uuna dhaawac fudud kasoo gaaray gacanta, kadib markii uu kusoo dumay guriga uu xalay ku hoday.

Sidoo kale waxaa qaraxa uu isna dhaawac kasoo gaaray Senator Cabdi Qeybdiid, waxaana la tilmaamay inuu Senatorka kusoo dhacay dhagax guriga uu isna joogay, halka la xaqiijiyay inuu Madaxweyne Axmed Qoorqoor uu badqabo, oo wax dhibaato ah aysan gaarin.

- Advertisement -

Taliyaha ciidanka daraawiishta Galmudug Jeneral Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa xaqiijiyay geerida ciidamo ka tirsan madaxtooyada Galmudug iyo dhaawaca askar kale. Taliye Gadaar ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Galmudug, mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada ay badqaban.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Federaalka ayaa ku warrantay in qaraxii ka dhacay Laas Gacamey ay ku dhaawacmeen laba Askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka, dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyiinta qaraxaan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts