HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh & Cali Jeyte oo heshiis hordhac ah gaaray

Madaxweyne Xasan Sheekh & Cali Jeyte oo heshiis hordhac ah gaaray

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo is daba joog ah kula yeelanaya magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo siyaasadda iyo indheergaradka mid ka mid ah beelaha dega gobolkaas. Ujeeddada kulankaas ayaa lagu sheegay dhegeysiga tabasho ay qabto beeshaas degta bariga Beledweyne oo uu ka soo jeedo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo is daba joog ah kula yeelanaya magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo siyaasadda iyo indheergaradka mid ka mid ah beelaha dega gobolkaas.

Ujeeddada kulankaas ayaa lagu sheegay dhegeysiga tabasho ay qabto beeshaas degta bariga Beledweyne oo uu ka soo jeedo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo sheegtay in uu madaxweyne u yahay maamul ka go’ay Hirshabelle. Jeyte oo ka horyimid go’aanka Hirshabelle ay xilka uga qaatay ayaa qeyb ka ah wada hadallada ka socda Maxaas.

- Advertisement -

Cali Jayte oo loo arko in uu yahay hoggaamiye saameyn weyn ku leh gobolka Hiiraan islamarkaas na kaalin weyn ku lahaa abaabulka iyo hoggaanka dagaalka ciidamada deeegaanka ay la galeen kooxda Al-Shabaab ayaa eedeyn horey ugu jeediyay dowladda federaalka iyo maamul Hirshabelle isaga oo dalbanayay in gobolka Hiiraan laga dhigo maamul gaar ah.

Sida uu BBC u sheegay xildhibaan C/risaaq C/laahi Macallin (Ciid) oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaa jira arrimo ay isku afgarteen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cali Jeyte Cismaan Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, isla markaana ay weli harsan yihiin qaar kale.

“Wixii la isku afgartay waa in wixii siyaasad ah dib loo dhigo, wixii la xiriira dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaabna uu hogaamiyo Cali jeyte isagoo toos u hoos tagaya madaxweynaha,” ayuu yiri Xildhibaanka oo ka mid ah siyaasiyiinta kulamadaas ka qayb galay.

- Advertisement -

Wuxuu intaa ku daray inuusan cidna hoos tegeyn uuna u madaxbanaan yahay wixii khuseeya hawlgalinta ciidanka Macawisleyda ee gobolka Hiiraan.

Latest stories